Maxkamadda Maroodijeex Oo Siciid Maxamuud Gahayr Dambi Ku Wayday iyo Magdhaw Loo Dalbayo

0
417

Maxkamadda Maroodijeex Oo Siciid Maxamuud Gahayr Dambi Ku Wayday iyo Magdhaw Loo Dalbayo

Hargeysa(Warsugan) Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo muddo laba bilood ku dhaw ku xidhnaa magaalada Hargeysa ayaa maxkamadda gobolka Maroodijeex xorriyaddiisa u soo celisay, kadib markii lagu waayay eedo maamulka Madaarka Hargeysa ku soo oogay oo ku saabsan kicin iyo khalkhal galin amni oo ka dhan ah diyaaraddaha adeegsada Madaarka. Abwaanka, ahna macalin iyo qoraa ayaa loo haysto maqaallo uu aragtidiisa ku cabbiray oo uu kaga hadlay arrimo ku saabsan madaarka, waxaana saddex fadhi oo maxkamaddu ka yeelatay kiiskiisa shalay si rasmi ah loo go’aamiyay in la sii daayo.

Jamaal Xuseen Axmed, Qareenka u doodayay qoraa Siciid Maxamuud Gahayr ayaa bogaadiyay caddaaladda uu helay qoraagu “Siciid Maxamuud Gahayr wuxuu xidhnaa inka badan 56 cisho, waxaa se wax lagu farxo ah, maxkamadda oo aanu ka helnay caddaaladdii aanu ka sugaynay, sababtoo ah wuxuu garsoorihii caddeeyay in xorriyaddiisa loo celiyo Siciid oo aanu wax dambi ah lahayn,” ayuu yidhi Qareenku.

Qareenka ayaa sheegay in maaddaama Siciid xidhnaa in ku dhaw laba bilood oo wakhtigiisa ka mid ah, islamarkaana lagu waayay eedaha loo haystay uu xaq u leeyahay in la siiyo magdhaw “Hadda xorriyaddiisii waa loo celiyay laakiin, ka qareenno ahaan waxay tahay in marka maxkamadda darajadeedu dhammaato ee Siciid xorriyaddiisa helo aanu u dalabno Magdhaw, kaas oo uu xaq u leeyahay Siciid Maxamuud Gahayr,” ayuu yidhi Qareenku.

Ehelada Siciid Maxamuud Gahayr oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay bogaadinayaan bahda Garsoorka Somaliland, oo ay sheegeen inay hab hufan oo caddaalad ah u shaqaynayso “Waxaa Maxkamadda gobolka Maroodijeex ka curtay kacaanka Caddaaladda, maaddaama ay si toos ah xorriyaddiisa ugu celisay Abwaan/Macallin Siciid Maxamuud Gahayr..dadka waxa deeqi karaa waa caddaaladda, waa ta horumar lagu gaadhi karo ee amnigu ku sugmay, waxaanan u mahadcelinayaa dadkii hawshan ka qayb galay,” ayaa ka mid ahaa hadallada ehelada.

Tan iyo markii waaxda Garsoorka Somaliland loo magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare Prof Aadan Xaaji Cali, waxaa isa soo tarayay kiisaska habka caddaaladda ah ku dhammaada ee bulshadu ku diirsato, kuwaasi oo kala ahaa muranno siyaasi ah iyo arrimo bulshadu isku haysay oo la fardaamiyay. Kiiska Siciid ayaa si furan loo dhagaystay, islamarkaana ururada xuquuqal iisaanka iyo cid walba oo danaynaysay ka qayb galaysay, iyadoo madaxda Madaarka Hargeysana ka qayb galayeen qaybaha eeda ee iyaga khusaysay, taasi oo guul lagu tilmaami karo in garnaqa Siciid iyo maamulka Madaarka ee uu ku guulaystay Siciid tahay arrin muujinaysa kobaca caddaaladda dalka.

XIGASHO WARGEYSKA WARSUGAN
warsugannews@gmail.com
warsugan15@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office