telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

MAYDKA WIIL SOOMAALIYEED OO LAGA SOO TUURAY FOOQ DHEER IYO MAGACA WIILKA

Seattle (WARSUGANNEWS.COM)_Wararka ka imanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Booliska magaaladda Seattle ee dalka Maraykanka, ayaa wada baadhitaano ay ku ogaanayaan cida ka dambeysay Geerida Wiil Soomaaliyeed oo laga soo tuuray dabaq dheer .

 

Wiilka dabaqa laga soo tuuray oo lagu magacaabo Xamsa Warsame, ayaa ahaa wiil da’yar oo dhiganayay Kuleejka Seattle Central College , waxaana jira shaki laga qabo in Wiilkan dabaqa ay kasoo tuureen dad Islaam naceyb ah.

Waalidiinta dhalay Wiilkan Soomaaliyeed ee dabaqa laga soo tuuray ayaa booliiska ka codsady in kiiskan ay ku sameeyaan baadhitaano dheer, Muslimiinta kunool magaalada Seattle ayaa su’aalo badan ka keenay qaabka uu dilkan u dhacay.

Dilka loo geestay Xamsa Warsame, ayaa lala xadhiidhinayaa in uu ahaa fal cunsiriyad oo islaam naceyb ah, inkastoo booliiska dilkan baadhitaan kuwadaan.

dhinaca kale muslimiinta ku nool dalka magaalada Seattle ay cabsi xooggan ka muujiyey falalka noocan oo kale ah.

681 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins