Mdaxweynaha oo shir la qaatay Gudoomiyayaasha Xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani, Xubnaha komishanka doorashooyinka Habeenkii Xalay iyo Wixii laga wada hadlay

0
561
????????????????????????????????????

Mdaxweynaha oo shir la qaatay Gudoomiyayaasha Xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani, Xubnaha komishanka doorashooyinka Habeenkii Xalay iyo Wixii laga wada hadlay

Hargeysa(Warsugannews)WAR-SAXAAFADEED-21/03/2016-Shir gaar ah oo ku saabsan habka uu u socdo barnaamijka Qaranka ee diiwaangalinta codbixiyaasha oo haatan maraysa Saaxil, Gabilay iyo Hawd, ka dib markii laga soo dhameeyay Togdheer iyo Awdal, ayaa lagu qabtay xalay qasriga Madaxtooyada JSL.

Shirkan oo uu gudoominaayay Madaxwaynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, weheliyayna Madaxwayne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici), Gudoomiyayaasha Xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani, Xubnaha komishanka doorashooyinka oo uu horkacayo Gudoomiyaha komishanka, wasiirro iyo Masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiyada qaranka ka tirsan ayaa si qoto dheer loogu lafo-guray sida diiwaangalinta codbixiyayaashu ilaa hadda u socoto.

Xubnaha komishanka dooroshoyinka Qaranka (KDQ) oo ahaa shan xubnood uguna horeeyo Gudoomiyaha Komishanka Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa qeexay in ay diiwaangalintu sidii la rabay ee loogu talo galay u socoto, cidkastoo isku dayday in ay isdiiwaangaliso halmar wax ka badanna qalabka lagu shaqaynaayaa qabtay, sharcigana lala tiigsan doono .

Xubnaha komishanku waxay ka digeen in caadiifad inna qaaddo oo habka ay diiwaangalintu u socoto la farafareeyo, loona ordo waxa loo malaynayo in ay gobol ama degmo gaar ugu badinayso.

Waxay ku adkaysteen xubnaha komishanku in nidaamka diwaangalintu ee codbixiyayaashu yahay kan ugu fiican cadaaladda, laguna meel marin karo tartan xor iyo xalaal ah doorashada loo balansan yahay 2017, hadii Eebbe idmay.

Waxay caddeeyeen Xubnaha KDQ in nidaamka codbixiyayaasha loo diwaan galinaayo aanay cidna uga horrayn caalamka Somaliland, kalsooni wayna lagu qabo in uu guulaysto habkani.

Dhinacooda Xubnaha ka tirsan Asxaabta iyo Masuulliyiin xukumadda ahiba waxay tilmaameen inay kalsooni ku qabaan komishanka dooroshooyinka iyo qalabka lagu shaqaynayoba, waxay rabaana yahay in tirada ugu badani ee codbixiyeyaashu is diwaangaliyaan, xaqa dastuuriga ah ee codbixiyeyaashana loo ilaaliyo.

Markii la qaadaa dhigay ka dib, waxa la isku dardaaray in habka lagu wado diiwaangalintu ay sideeda u socoto, Gobolada iyo Degmooyinka ay ka socotana lagu dadaalo in Goobaha Diwaangalinta lagu ururiyo si dadka ugu badani isku diiwaan galiyaan.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo soo gunaanaday kulanka ayaa ku dardaaray ka qaybgalayaasha kulanka in Komishanka dooroshooyinka qaranka lagu qaddariyo shaqada culus ee ay u hayaan Qaranka, komishanka dooroshooyinka qarankuna ay tixgaliyaan cabashooyinka aan ka hor imanaynin wakhtiga iyo habka shaqada diiwaangalinta loo qorsheeyay.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.