“Meesha Laga Naafoobo Waa Maskaxda Ee Ma Aha Lugaha” Caasha Khaliif Xasan

0
500

“Meesha Laga Naafoobo Waa Maskaxda Ee Ma Aha Lugaha”
Caasha Khaliif Xasan

Jigjiga 28 September 2019 (Warsugan)-Caasha Khaliif Xassan waa hooyo iyo ayeeyo 76 sano jira oo lugaha naafo ka ah, waxayna ka shaqeysataa magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaaliya ee Itoobiya.

Tan iyo sannadkii 1964-tii, waxay ka shaqeyneysay iibinta midhaha iyo caleenta dhirta kala duwan ee dawada loo isticmaalo.
Waxay dhashay 15 carruur ah, Haddana waxay korisaa carruur ay ayeeyo u tahay oo rajooyin iyo agoomo isugu jira oo gaadhaya 9 carruur”Caruurtii aan aniga dhalay caruurtoodii ayaan u shaqeeyaa, kan dhintana waan aastaa kan noolna waan dhistaa,” ayay tidhi ayeeyo Caasha
Hooya Caasha waxay ka ganacsataa suuqa Jigjiga, halkaas oo in muddo ah ay dhirtan kala duwan ku iibineysay.

Caasha Khaliif Xasan waxaa goobteeda shaqo ku booqatay BBC waxayna sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay howsheeda”Waxaan iibiyaa waxyaabahan yaryar ee bacaha ku jira ee meeshan yaalla. Dawo ayaa ku jirta, wax la cuno ayaa ku jira. Waxaa ku jira barbari, xulbad, milixda baad aragtaa, cusbada caruurta ayaa ku jirta nooc walba wuu ku jiraa,”

Muddadii ay ganacsiga ku jirtay, waxay nolosheeda maalinlaha ah ku tiirsanayd iibinta waxyaabaha yaryar oo bartamaha suuqa Jigjiga ay ku gado “Qurjeenku wuxuu u roonyahay ragga iyo libaaxa, waa geed ilaahey bixiyay hadduu dhabarka xanuuno, hadey howli timaado wax walba qurjeenka ayaa u horreeya.Waxay sidoo kale tilmaamtay in caqabado badan ay la kulanto maadaama uusan lixaadkeedu dhameystirneyn”Iyadoo uu roob da’ay ayaan god ku dhacay intaa lugaha dambe waa i meyd,” ayay tiri mar ay ka sheekeyneysay sida ay ku naafowday.

Caasha Khaliif Xassan waxay aaminsan tahay in maskaxdu tahay meesha uu qofka ka naafoobo ama uu ka caafiumaad qabo, balse aysan ahayn lixaadka kale ee jirka”Caafimaad qabku iyo lixaad la’aantu waa maskaxda, qofka maskaxda ka lixaad waaya umbaan lixaadkiisu dhiman yahay, anigoo lixaad hayn ayaan shaqeeyaa, maskax ayaa aniga oo caga la’a ku shaqeystaa,” Hooyo Caasha Khaliif Xassan ayaa dhanka kale sheegtay in marka laga soo tago qoyskeed ay jiraan dad badan oo masaakiin ah oo lixaadkooda qaba oo ay iyada wax siiso.”Boqol iyo toban lixaad qaba oo suuqa meereysanaya ayaan iraahdaa fikira oo sidan yeela, waaba la xamashaaye waana ku kari la’ahay, qadaadiicda ayaan siiyaa inta kuwa waawayn oo luga qaba ii yimaadaan”.

Wargeyska Warsugan Media Group
Hargeysa/Somaliland