MEYDKA WIIL SOMALI AH OO MUDDO SHAN BILOOD AH LA LA’AA OO LAGA HELAY MAGAALADA PERTH EE DALKA AUSTRALIA.

0
385

MEYDKA WIIL SOMALI AH OO MUDDO SHAN BILOOD AH LA LA’AA OO LAGA HELAY MAGAALADA PERTH EE DALKA AUSTRALIA.

Perth (warsugannews):- Meydka Wiil Somaliyed oo la la’aa muddo Shan bilood ayaa laga helay duleedka magaalada Perth ee dalka Australia Marxuumka ayaa lagu magacaabaa C/laahi Maxamed Cigaal oo 26 sano jir waxaana la waayay 5 bilood ka hor, iyadoo shalay la helay meydkiisa oo aasan.

Ehelada Marxuumka, ayaa Booliska ku wargeliyay inay hayaan macluumaad ku saabsan, halka lagu aasay wiilkooda, waxaana Booliska ay isku gadaameen goobtii tuhunka laga qabay Wiilkooda in lagu aasay.

Booliska ayaa soo saaray Meydka C/laahi oo 26-sano jir ah, waxaana hada socda baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo cida ka dambeysay dilka Wiilkaasi Somaliga ah.

Ehelada Wiilkaan Somaliga ayaa sheegaya inay tuhun badan ka qabaan dilka Wiilkooda inuu ka dambeeyo nin ay saaxiibo ahaan jireen oo dhanka Afrika u cararay.

Cabdirsaaq Cigaal oo la dhashay marxuumka ayaa sheegay in walaalkiis la la’aa tan iyo bishii May, balse Booliska ayaa maqnaanshihiisa lagu wargeliyay bishii June iyadoo Booliska ay si rasmi ah u shaaciyeen in ninkaas la la’ yahay Bishii Sebtembar.

Wuxuu sheegay C/risaaq inay garanayaan cidda mas’uulka ka ah dilka, isagoo sheegay in nin saaxiib la ahaa walaalkiis oo u cararay Afrika uu Talaadadii la soo dhaafay u sheegay qaar ka tirsan Soomaalida ku nool Perth inuu ka dambeeyay dilka marxuumka.

Cabdullaahi ayaa ka tagay Soomaaliya 1994 isagoo markaas gaadhay New Zealand ka hor in aanu guudhin Galbeedka Australia sanadkii 2002.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here