Mid ka mid ah gabdhihii Boko Xaraam afduubtay oo la helay

0
442

waaxa qoraya yaasir br

Milatariga ayaa sheegay in mid ka mid ah gabdhihii ardayda ahaa ee lagu afduubtay Nigeria ay heleen iyadoo sidata ilmo shar oo toban bilood jira.
Gabadha waxa laga helay Pulka oo ku taal woqooyiga gobolka Borno sida uu sheegay af-hayeenka ciidanku Sani Usman.
Warkani wuxu soo baxayaa iyadoo bil ka hor markii 21 kale oo ka mid ahaa gabdhihii la afduubay la soo furtay ka dib wadahadallo lala galay mitidiinta Islaamiyiinta ah ee Boko Xaraam.
Usman ayaa sheegay in gabadhan haatan la helay ay askar ciidanka ka tirsani heleen iyagoo kaynta Sambisa ka baadhayey dad ka soo baxsaday xarunta Boko Xaraam.
Boko Xaraam waxay dagaal waday muddo dheer waxaanay ku doonayaan in ay ka abuuraan dowlad Islaami ah woqooyiga dalka Nigeria. Dagaalkani intii uu socday ayaa dadka ku dhintay lagu qiyaasay in ka badan 30,000 oo qof.