Mid ka mid ah jilayaasha ugu caansan aflaamta Hindiga oo saaka geeriyooday+Sawiro

0
630

Jilaagii ku caan baxay aflaamta hindiga ee Om Puri ayaa saaka geeriyooday sida la xaqiijiyay ka dib markii wadno xanuun ku soo booday. Om Puri oo 66-jir ahaa ayaa si lama filaan ah u geeriyooday waxaana geeridiisa wargeyska Indian Express u xaqiijiyay filim sameeye Ashok Pandit oo ay saaxiibo ahaayeen.

“Wadno xanuun daran ayaa Om Puri saaka ku soo booday waana geeriyooday, hadda ayaana gaarnay gurigiisa oo ku yaalla xaafada Andheri ee duleedka magaalada Mumbai” ayuu yiri Ashok Pandit.

Om Puri wuxuu ahaa jilaa caalami ah oo kasoo muuqday muddo badan aflaamta Bollywoodka, isagoo xitaa wax ka jilay aflaamta Hollywoodka ah.

Jilaagaan abaal marinada darajada sare ee la siiyay waxaa ka mid ah OBE oo ay boqortooyada Ingiriiska bixiso iyo abaal marinta 4-aad ee ugu darajada sareyso ee la siiyo muwaadinka Hindiga ah Padma Shri.

Om Puri wuxuu dhashay 18-kii October 1950 wuxuuna bilaabay filim jilista sanadii 1976 isagoo ku soo caan baxay filimkii Ghashiram Kotwal, wuxuuna ka dibna wax ka jilay boqolaal aflaamta hindiga ka tirsan, waxaana filimadii ugu dambeeyey ee uu wax ka jilay ka mid ah Ghayal once again iyo qaar kale.