Mid Ka Mid Ah Mujaahidiintii SNM Oo Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa Ku Eedeeyey Inuu Aabihii Dilay, Hanjabaadna Hawada U Mariyey.

0
784

Mid Ka Mid Ah Mujaahidiintii SNM Oo Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa Ku Eedeeyey Inuu Aabihii Dilay, Hanjabaadna Hawada U Mariyey.

Hargeysa(Warsugannews) Mid Ka Mid Ah Mujaahidiintii SNM Oo Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa Ku Eedeeyey Inuu Aabihii Dilay, Hanjabaadna Hawada U Mariyey.

Mujaahid Jaamac Aadan Maxamuud (Doolaal) ayaa ka hadlay cabasho iy godob uu ka tirsanayo Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhowaan dalka ku soo noqday.

Mujaahidka oo ka mid ah raggii ugu magac dheeraa SNM oo xalay la soo xidhiidhay Wargayska Somalilantoday ayaa ku dooday in Ismaaxiil Hurre Buubaa uu ka dambeeyey dilkii aabihii Aadan Jaamac oo Hargeysa lagu dilay sannadkii 1994-kii.

Ugu Horayn Mujaahid Jaamac oo ka hadlaya waxa uu ku doodayo iyo sida ay wax u dhaceen aya hadalkiisa ku bilaabay

“Xasuuqii Gar-gaar waxaa ku dhintay aabahay (Maxamuud Aadan Jaama) iyo rag kale oo qiimo lahaa oo uu ka mid ahaa Cawil Cadami Burhaan, xasuuqaasna waxaa qirtay Ismaaciil Hurre Buubaa (inuu ka dambeeyey) oo maanta soo guryo noqday markii uu gorey haad waayay ka noqday Somalia, wuxuuna shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho 21/October/1994 oo ahayd habeenkii xasuuqu dhacay subaxeedii, waxaana uu yidhi rag qiimo leh oo waaweyn oo ka tirsan Dawladda ina Cigaal ayaanu gudaha Hargeysa ku laynay, gacan ku dhiiglahaasi (Ismaaciil Buubaa) isaga ayaa qirtay inay iyagu hawlgalkaasi fuliyeen, raggii fuliyeyna aan wada aqaano, qaarkood waxay ka shaqeeyaan Dawladda Hoose ee Hargaysa, Qaadka ina Gaafane, Ciidamada Qaranka, Madaxtooyada, waxabana waan aqaana magacyadooda iyo muuqooda, sidaas daraadeed kaga hadhi maayo Ismaaciil Buubaa tii uu qirtay (dilkii aabahay)” markaa meel ha u yeelo anigu ka hadhi maayee”

Sidoo kale Jaamac Aadan ayaa sheegay inuu arrintan u gudbiyey Xukuumadihii dalka soo maray, balse aanay dhag jalaq u siin, waxaana uu ku hanjabay inuu isagu aar gudan doono haddii xukuumadda Madaxwayne Siilaa yo arrintaa hoos u eegi waydo, waxaana uu yidhi

“Saddexdii Xukuumadood ee ugu dambaysay Saddexda Dacwad ayaanu u qornay, midina dhag jalaq noomay siin, haddii ay Xukuumadani wax ka qaban waydo annagu hawlgalkii aanu arrintaas ka fulin lahayn iyo dariiqii aanu u mari lahayn waanu samaynaynaa oo waa noo diyaar, waayo waxaanu nahay illaa 150 nin oo gaashaan qaad ah oo raggii ragaasi ay dhaleen ah, raggii xasuuqa gaystayna gurigayga hortiisa ayay maraan,waxay joogaan Burco, oo Ina Afmadoobe ayay maraan, oo Caynaba ayay maraan, oo Ceel Afwayn ayay maraan oo halkan ayay joogaan (Hargeysa), godobtuna ma hadho 50 sano ayaa la iska daba socdaa, Ismaaciil-na isaga ayaa ku faanay, malaha wuxuu moodayay inaan la isku soo noqonayn”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here