Midawga Yurub Oo Walaac Ka Muujiyay Wariyeyaasha Aljasiira U Shaqeeya Ee Muqdisho Lagu Xidhay

0
306

Midawga Yurub Oo Walaac Ka Muujiyay Wariyeyaasha Aljasiira U Shaqeeya Ee Muqdisho Lagu Xidhay

Muqdisho(Warsugan) Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xidhay saddex wariye oo u shaqaynayay telefishanka Aljasiira ee fadhigiisu yahay dalka Qadar. Wariyeyaashan ka tirsan telefishanka caalamiga ah ayaa la sheegay in la xidhay xilli ay magaalada Muqdisho soo galayeen, islamarkaana ka soo laabteen magaalada Afgooye oo ay ka soo waramayeen dagaal Al-shabaab ku qaaday dorraad.

Madaxa ururka Suxufiyiinta Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macallimu oo xabsiga ku bookhday suxufiyiinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanku qabteen, kadibna madaxa maamulka gobolka ka tirsan ay la hadleen si loo soo daayo balse markii madaxdaasi u timid xabsiga la dhigay, sidoo kalena lala wareegay qalabkooda shaqada.

Wariye Xamse Maxamed iyo sawir qaadihiisa Nuur Maxamed, ayaa haysta dhalashada dalka Ingiriiska, una shaqeeya telefishanka Aljazeera. Wariyeyaashan ayaa hore uga soo waramay meelo Alshabaab ku xoog badan tahay, islamarkaana waraystay saraakiil sarsare oo uu ka mid yahay afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere.

Sii hayaha wakiilka Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mr Michele CervoneDurso, ayaa la yaab ka muujiyay sida Soomaaliya ula dhaqmayso wariyeyaasha xilli bulshadu wajahayso khatar dhinaca mmaanka ah “Markii hore xog Ogaal, haddana Aljazeera, goorma ayay dhammaanaysaa cabsi galinta wariyeyaashu?” ayuu is waydiiyay Mudane Michele CervoneDurso.

Arrintan ayaa timid iyadoo shalay xabsiga laga sii daayay tifaftiraha wargeyska Xog Ogaal oo ka soo baxa Muqdisho, kaasi oo saddex cisho xidhnaa, haddana lagu soo daayay inuu raali gelin ka bixiyo war uu qoray “Ciidamada ammaanku waa inay xoogga saaraan khatarta xaqiiqda ah ee dhinaca ammaanka ee bulshada Soomaaliya wajahayso,” ayuu wakiilka Midawga Yurub ku sheegay qoraal kooban oo uu ku faafiyay boggiisa Twitter-ka.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office