Mo Farah muxuu ka yidhi murqaanka iyo Riyooyinka mala’a awaalka ah inta la murqaansan tahay

0
517

Mirqaanka Iyo Mala’awaalka Muqayiliinta : Mo Farah Ayaa Ka Sheekaynaya
“Marka la mirqaamo – qorshayaal badan ayaa la dejiyaa. Mana jiraan wax ka rumooba marka dambe.’’

Mo Farah ayaa waraysi uu bixiyey oo uu siiyey wariye Piers Morgan, ku qirtay inuu isticmaalay oo cunay qaad, wallow ay ahayd ka hor intii aan wadanka Uk looga aqoonsan geedkan, inuu kamid yahay daroogada, khaas ahaan ‘Heerka C’.

Wuxuu Orodyahanku ka sheekeeyey sida la noqdo marka la qayilo, iyo qorshayaasha mala’awaalka ah ee la dejiyo inta uu ku jiro jidhka qofka cunay.

“Anigu waxaan doonayay kaliya inaan tijaabiyo. Waa geed dhirta dabiiciga ah kamid ah. Wuu ka duwan yahay. Waa la calaliyaa caleentiisa, waxaanay la mirqaan tahay, sidii qof cabay dhawr koob oo bun ah,” ayuu yidhi Mr. Farah.

“Wax badan ayaad ka fikiraysaa, qorshayaal badana waad dejinaysaa. Wax ka rumoobayaana ma jiraan, guriga ayaad tagaysaa, hurdona kuu iman mayso. Waa shay aad u xun oo waali ah, wax kastaa wey fiican yihiin marka aad qayilayso, laakiin maalinta xigta, wax kuu hirgalayaa ma jiraan.

“Runtii waa wakhti lumis uun cunistiisu. Waligaa waxba qabsan maysid.”

Farah ayaa geedkan daroogada ugu diwaan gashan Uk, isticmaalay sanadii 2003, taas oo macneheedu tahay, inaanu wakhtigaas ku jirin wax tartan ah ama ka qayb gallaynin. Shan bilood kadibna isticmaalka iyo ka ganacsiga caleentan ayaa waxaa mamnuucay – Hayada dunida u qaabildan ka hor taga maandooriyaha ee magaceeda loo yaqaano ‘ World Anti-Doping Agency (WADA)’.

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here