Mohamed Farah Oo Difaacday Bilada Dahabka Ah Ee Orodka 10 Kun Ee Miritir Ah Isaga Oo Markale Ku Guulaystay Tartankii Orodka Aduunka Ee Ka Dhacay Beijing.

0
494

Orodyahanka Somaliyeed isla markaana u orda dalka England ee Mohamed Farah ayaa ku guulaystay orodka 10,000 kun ee mitir kaas oo ka dhacay dalka Shiinaha gaar ahaan magaalada Biijing.Mohamed Farah oo sanadkii hore ku guulaystay bilada 10 kun ee mitir ayaa ku guulaystay inuu difaacdo bilada dahabka ah uu haystay ee 10 kun ee mitir.Mohamed farah2

Mohamed Farah ayaa tartan adag kala kulmay saddexda orod yahayn ee udhashay dalka Kenya ee kala ah Bedan Muchiri, Paul Tanui iyo Kamworor, kuwaas oo doonayay inay Mohamed Farah xeeladeeyaan basle orodyahankan labad jeer ku guulaystay Olympica-da ayaa qorshaha saddexdan nin si fiican u akhristay wuxuuna tusay in ayna awoodin inay meel mariyaan farsamada ay ku soo heshiiyeen oo ahayd in marba uu midkood Mohamed daaliyo.Mohamed Farah

Inkasta oo uu sanadkan dhibaato badan ku ahaa Mohamed Farah kadib markii isaga iyo tababarihiisa looga shakiyay inay ku luglahaayeen daawooyin kordhiya awooda orodyahanada oo aduunka laga madnuucay ayuu Mohamed Farah arintaa kaga jawaabay inuu awoodiisa baanka soo dhigo isla markaana uu gaadho saddex guulood oo xidhiidh ah.

Mohamed Faraha ayaa Juley 9 hore ugu soo  guulaystay tartanka orodka 5000 kun ee mitir, waxayna ahayd markii ugu horaysay ee Mohamed Farah uu tartan ku guulaysto tan iyo markii isaga iyo tababarihiisa Alberto Salaza eedaynta loogu soo jeediyay inay ku luglahaayeen daawoyin aduunka ka mamnuuc ah.Mohamed

Sidoo kale July 25 ayuu Mohamed Faraha guulihiisa sii watay wuxuuna markale ku guulasyatay  orodka 3000 kun ee mitir ah kaas oo ka dhacay London ee tartanka loo yaqaan Anniversary Games 2015 ee London Diamond League.

Guusha ugu danbaysay ee uu Mohamed Farah ka soo hooyay tartanka 10,000 kun ee mitir ayaa ka dul qaadaysa culayskii sanadkan soo foodsaaray, waxayna guushani ka caawinaysaa inuu aduunka tuso kalsooni iyo in aanu guulahiisa ku gaadhin daawo awooda kordhisa oo uu isticmaalay.Mohamed Faraha ayaa hore loogu waayay inuu isagu ku luglahaa isticmaalka daawooyinka awooda qofka kordhisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here