Mooto Bajaajka Oo laga Amnuucay Xiliyada Habeenkii Qeybo ka Mid ah Magaalada Muqdisho

0
501

Amar ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu mamnuucay in xiliyada habeenkii lagu arko gadiidka yar yar ee Mooto Bajaajka waddada Maka Al-Mukarama oo ah jidka ugu mashquulka iyo shaqada badan magaalada Muqdisho.

Waxaa arintan siweyn uga soo horjeestay qaar ka mid ah wadayaasha gadiidka Mooto Bajaajka shaqdooda ugu badan qabsada xiliyada habeenkii.
Waxaa ay sheegeen wadayayaasha qaarkood in dhamaanba ay diyaar la’yihiin waajibaadka saarayn oo ay ka mid tahay bixinta canshuurta, sidaa daraadeed aysan ogeyn sabab gaar ah shaqada looga joojiyo.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku macneeyay sababta looga mamnuucay Bajaajta xilliyada habeenkii in ay maraan wadada Maka Al Mukarama in ay tahay sugida ammaanka.
Balse waxaa hore loogaga mamnuucay mooto Bajaajta ina y maraan qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, taasoo culeys weyn ku ah wadayaasha gadiidka ee ka xamaasha.
Ugu danbeyntii, dhalinyaro badanayaa nolol maalmeedkooda ka hela shaqada mootooyinka iyadoo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay Mootooyinka Bajaajta qeyb weyn ka qaateen isgaarsiinta caasimada dalka ee Muqdisho.