Mourinho : Dan Kama Lihi Saqraanimada Rooney Bals Hal Arin Darteed Ayaan Ugu Soo Bilaabin Kulankii Arsenal .

0
778

waax qorey yaasir br

Ugu dambeyn , tababare Mourinho ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay in Rooney ka fogeeyo shaxdiisa asaasiga ee kulankii sabtida ee horyaalka e ee ay la ciyaareen kooxda Arsenal

Waxa uu beeniyay Jose in sababta uu keydka u fariisiyayay la xariirto dhacadadii Rooney ee saqraanka uu ku noqday todobaadkii hore xilligaas oo la so sawiray isaga oo aad u cabsan

The Star ayuu Jose ka yiri ” Rashford iyo Martial ayaa ka deg degsiimo badan Rooney , waxa ay leeyihiin awood ay ku dhex maraan qaab deg deg ah xiddigaha ka soo hoejeeda , waxaana filayaa in sidaas darteed uusan shaxda ugu soo bilaaban”.

Rooney ayaa kulankaas badal ku soo galay qeybta labaad ee ciyaarta inkastoo United ay gool laheyd illaa daqiiqaddii 89-aad laga gaaray mooyee xilligaas oo ay Arsenal heleen goolka bar bar dhaca