Mourinho oo la dhacsan qaab ciyaareedka Henrikh Mkhitaryan

0
357

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka laacibkiisa Henrikh Mkhitaryan.

Xiddiga reer Armenia ayaa helay kalsoonida tababare Jose Mourinho, wuxuuna ku soo bilowday 3-dii kulan ee United ay ciyaartay tartamada oo dhan.

Mourinho ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay wax qabadka laacibkiisa iyo goolkii uu xalay ka dhaliyay kooxda Zorya ee koobka Europa League.

“Jir ahaan iyo taatiko ahaanba si adag ayuu u shaqeeyay, wuxuu leeyahay xirfad waana ku ogayn markii aan la soo saxiixanaynay” ayuu yiri Mourinho kadib kulankii Zorya.

“Haatan sifiican ayuu uga ciyaarayaa Premier League, Europa League iyo koobka League Cup-ka, goolkii uu ka dhaliyay Zorya wuxuu ka heli doonaa farxad badan, aad ayaan u faraxsanahay”.