MUDANA MARWADA QARANKEENU. W/Q C/rixiin Cumar Daahir Q/2aad

0
376

MUDANA MARWADA QARANKEENU.
W/Q C/rixiin Cumar Daahir
Q/2aad

Akhriste qoraalkii kan ka horeeyay waxaan idiinku soo gudbiyey si guud shaqsiyaadka guud ee Marwada Qaranka Somaliland Aamina Xaaji Maxamuud Jirde(Aamina Werris) waxaanan qoraalka labaad idiinku soo gudbin doona Taariikhda dahabiga ee ay leedahay marwada qaranka Somaliland Somaliland tan iyo markii ay bilowada tacliinta dugsiga hoose ee dhexe iyo maanta oo ay tahay Marwada Qaranka Somaliland.waa xilli dheer oo ay soo gashay Socdaal dheer oo leh Midabo kala duwan.

WAXBARASHO
Marwo Aamina Xaaji maxamuud Jirde waxaay kamid ahayd haweenkii ugu horeeyay guud ahaan geyga Somaliland ee la geeyo goob waxbarasho, waxaanay tacliinteeda ka bilawday dugsi boodhina ah oo ku yaala Magaalada burco, iyada oo ka gadhaay fasalka Todobaad, oo wakhtiga lagu dhamayn jiray tacliinta Dugsiyada Hoose dhexe kadib markii ay dhamaystay fasalkii Todobaad waxay si rasmiya ubilowday Cilmiga kaalkaalisooyinka Caafimaadka ee loo yaqaano(Nursing) oo ay ahayd Haweenkii Ugu horeeyay ee loo barro Cilmigaas guud ahaan geyga Somaliland, wakhtigaasi ka dib waxa ay u baxday Wadanka Ingiriiska, iyada oo 18 Bilood ka baranaysay dugsi A level ah si ay Jaamacaddaha wadankaasi Ingiriiska u gasho. Intaasi ka dib waxa ay Jaamacaddii kagaa takhasustay Cilmiga kaalkaalsooyinka caafimaadka , iyada oo ay ku qaadatay shan sanadood iyo badh, intaasi ka dib waxa ay ku soo noqatay Xamar oo ahayd Caasimadii Dalka Soomaaliya iyada oo ku xigeen u noqotay gabadh Austaralian ah, mudadaas kadib Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde waxaa ay gacanta ku dhigtay maamuulena ka Noqotay ganacsi uu lahaa walaalkeed Cali Jirde kadib markii qaliin caafimaad lagu sameeyay Cali Jirde oo ahaa Ganacsade caana ah sanaddii 1969 Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde waxaa ay Noqotay xaaska ama Oorida Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo madaxweynaha qaranka Somaliland oo xilligaas ahaa Agaasimihii guud ee wasaarada qorshaynta ee dawladii soomaaliya Muddo dheer Kadib Aamina iyo caruurteedu waxa ay u guureen London, iyadaa oo halkaas kaasi sii wadatay Jaamacadeedii, iyada oo shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master) ka diyaarisay wadankaasi, shaqana halkaasi ka bilawday. Aamina, waxa ay wakhtigaasi si weyn uga. qayb qaadatay halgankii dalka lagu xoraynayey, iyada oo ka mid ahayd dumarkii qurbo jooga ahaa ee dhaqaalaha iyo taakulada ka soo ururin jiray dibadaha.

Doorkeeda Guushii Xisbiga Kulmiye.
Kadib markii dalku ka madaxbanaanaday dawladii laysku odhan jiray Soomaaliya sanadkii 1991 Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde waxaa ay door weyn ka qadaatay halgankii xisbiga kulmiye uu soo galaay , iyadaa oo adeegsanaysaa kartideeda iyo aqoonteeda xeel dheer, iyada oo ka mid ahayd dadkii halganka dheer u galay sidii uu ugu guulaysan lahaa jagada Madaxweynenimo, muddo Sideed sano oo uu guddoomiye xisbi Mucaarid ahaa waxa ay ahayd garabka bar bar taagnaa ee aan ka nasan hawlaha halganka talada dalka lagu gaadhayo. Marwo Aamina Waris, ka dib markii uu Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ku guulaystay jagada Madaxweynenimo 26, June, 2010, isla markaana jagadaasi la wareegay 27, July, 2010, waxa ay ahayd dadka sida weyn heeganka ugu jiray horumarinta bulshada, iyada oo qaadatay door muuqdana ka soo baxday caawinta Agoomaha, sidoo kalena goobaha horumarinta bulshada si weyn uga dhex muuqatay.
Taakulaynta Bulshada Baahan.

Kadib Markii Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde Naasiib uheshay inayNoqoto marwada kowad ee qaranka Somaliland waxaa ay uhiliisay una Hagaar baxday kumanaan bulshada Dayacaan ah oo ku nool Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, kuwaas oo karaankeed uu la garabtagnayd Hiil qaran, waxaa ay si Joogto ah uga warhaysay dugsiyada agoomaha ee dalka, sida Hargeisa Orphanage School, waxaa ay sidoo kale xidhiidh wanaagsan la samaysay dadka Nafaada sida kuwa Araga ka nafaada ag, iyo kuwa Jidhka ka Nafaada, iyo Kuwo maskaxda ka nafaada ah, walood bini adamku dabooli kariin Baahiyaha shaqs ee qofka hadaaana Marwo Aamina werris ma yaraysaan dadaalkeeda iyo kor uqaadiida shacabka Somaliland ee tabaalaysan.

Gunaanad.(Conclussion)
Qormada oo ka Koobnayd laba qaybood oo Aanu ku soo ururinaay taariikhda iyo waxqabadyada Marwada qaranka Somaliland tan iyo markii ahayd ardeyada iyo maanta oo ay kamid tahay qoyska utaliya qaranka curdiinka ee Somaliland, waxanaan akhriste ku tixgelinaynaa aragtida shaqsiyaanka ee Aad ka bixinayso qoraalkan lagaaga ku saabsaan marwada kowaad ee qaranka Somaliland.

Waa Bilaahi Tawfiiq
Abdirihiin Omer Daahir
Email.GABALOOS123@HOTMAIL.COM
PHONE;0634721987.