Mudane Guurtida Ka Tirsan Oo Xukuumadda Ku Ammaanay Hoos u Dhaca Qiimaha Doollarka

0
399

Mudane Guurtida Ka Tirsan Oo Xukuumadda Ku Ammaanay Hoos u Dhaca Qiimaha Doollarka

Hargeysa(Warsugannews)Mudane Guurtida Ka Tirsan Oo Xukuumadda Ku Ammaanay Hoos u Dhaca Qiimaha Doollarka
Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa soo dhaweeyay go’aankii xukuumaddu hoos ugu dhigtay sarifka qiimaha doolarka, isla markaana sare loogu qaaday qiimaha lacagta Somalialnd.

Mudane Maxamed Wali Warsame oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in shilinka Somaliland uu noqday mid midho dhala maadaama oo uu hoos u dhac ku yimi lacagtii doolarka. “lacagtii Somaliland waxa ay noqonaysaa mid midho dhala oo lagu shaqeeyo dawlad iyo lacagteeduba waa in ay wada shaqeeyaan, dawladuna taas ayay ka shaqaynaysaa, ganacsatadana loo yeedhay ee xukuumaddu la shiraysay tallada xukuumadda ayay ku shaqaynayaan, waanay qaadanayaan ganacsatadu,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed-Weli.

Xildhibaan Maxamed Weli waxa kale oo uu intaa kuk daray “Wax dawladnimada ka weynina ma jiro, waxa xukuumaddu go’aamiso ayaana la qaadanayaa, intii rabtay in ay dawlad-nimadda waxyeesho ayaa khalad wada, mar haddii doolarkii hoos u dhacay raashinkuna hoos ayuu u dhacayaa, haddii raashinku jabi waayo muwaadiniin ku shaqaynaya awaamiirta dawladda ayaa raashinka keenaya.”

“Haddii ay ku shaqayn waayaan go’aamada xukuumadda, waxaa raashinka keeni doona kuwo aan dadka cunayn oo muwaadina oo dadka u tudhaya, markaa muwaadinnimadii ayaa soo noqonaysa, ganacsatada waxa aan u soo jeedinayaa in ay go’aanka dawladda qataan, haddii ay go’aamada qaadan waayaan uma malaynayo in laga yeelayo,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali.