Muqdisho oo ka dalbatay Sucuudiga inuu ku qanciyo Imaaraatdka inaanay ka yagleelin saldhig ciidan Somaliland Riyaad:Qaanim Al Mutairi

0
511

Muqdisho oo ka dalbatay Sucuudiga inuu ku qanciyo
Imaaraatdka inaanay ka yagleelin saldhig ciidan Somaliland
Riyaad:Qaanim Al Mutairi

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday dawlada Sucuudiga inay ku qanciso Imaaraadka inaanay sii wadin dhamaystirkii Saldhiga Ciidamada ee Berbera.

Bogga Yalla Affrica ayaa soo gudbiyey warbixin ay ka soo tarjumteen Riyadh post oo sheegaya in uu masuul ka tirsan dawlada Soomaaaliya oo ka mid ahaa wefdigii Farmaajo la socday uu sheegay in madaxweyne Farmaajo ka dalbaday Masulliiyiinta Sucuudiga inay ku qanciyaan Dawlada Imaaraatku inaanay sii wadin barnaamijkoodii ahaa inay ka yagleelaan saldhig Ciidamadeed ay ka samayn lahaayeen Jamhuuriyada Goonigoosatda ah “Somaliland” ee aanay Muqdisho ictiraafsanayn.

Wararku waxay sheegayaan inuu Madaxweynaha Soomaalidu booqasho ku yimi Sucuudiga maalintii Khamiisti hore taasoo ahayd booqashadii ugu horeysay ee uu debeda ugu baxo intii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay isagoo kula kulamay caasimada Riyaad boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, halkaas oo ay labada masuul ka wada hadleen iskaashiga labada wadan iyo arimihii u danbeeyey ee ka socdo mandiqada.
Warbixintaasu waxay kale oo ay sheegaysaa inuu Farmaajo ku gorfeeyey arintaa saldhiga Ciidamada Imaaraatka markii uu la shiray ku xigeenka dhaxal sugaha Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdulcasiis shirkaas oo uu goobjoog ka ahaa wasiirka Arimaha Debeda Caadil Axmed Al Jubayr iyo masuuliyiin waaweyn oo sucuudiyiin ah oo kale.

Wuxuu u socday madaxweynaha Soomaaliya inuu ka faa’iidaysto cilaaqaadka adage ee u dhexeeya boqortooyada Sucuudiga iyo jaalaheeda istiraatiijiga ah eee Imaaraatka kuna qanciyaan inaanay ka samaysan saldhig ciidan oo Imaaraati ah Soomaaliya iyadoo barlamaanku u codeeyey dhowaan una ogaaladay in saldhigaa ay Imaaraatku ka samaysan karaan dekeda Berbera, halkaas oo ay dawlada Soomaaliya diiday kuna sheegay arin aan qaanuunka waafaqsanayn hadii aan fasax laga qaadan Muqdisho.