Muqdisho Soomaaliya Shirka Golaha Wasiirada

0
622

Shirka Golaha Wasiirada

Muqdisho, Khamiis, August 20.2015-(Warsugannews) Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin, xaaladda amniga dalka iyo geedi socodka dib u eegista Dastuurka.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, ayaa sharaxaad dheer ka siiyay golaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka iyo guulaha ay rabto inay gaarto dowladda Federaalka sanada 2016, waxa uuna soo bandhigay jadwal waqtiyeysan ee howsha dib u eegista Dastuurka kaasoo lagu soo ansixiyay shirkii madasha heerka sare ee wadahadalka Muqidsho.

Golaha Wasiirada waxa ay ka wada hadleen qodobada lagu xusay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha ee horyaala Baarlamaanka, waxaana la isla qaatay in la saxo wixii khaladaad ah ee jira, iyaga oo u xil saaray guddiga siyaasada iyo guddiga dhaqaalaha ee golaha wasiirada, si ay talo kama dambeys ah uga keenaan, dibna ugu soo celiyaan shirka dambe ee golaha Wasiirada.

Dhanka Kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa magacaabay ergeyga gaarka ah ee Xaquuqda caruurta iyo Tahriibayaasha, waxaana loo magacaabay Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, waxayna magacaabistani ka dambeysay kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu tixgeliyay baahida loo qabo xoojinta iyo horumarinta xaquuqda caruurta iyo tahriibayaasha.

—DHAMAAD—

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here