Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Taliyahii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

0
476

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Taliyahii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

TACSI:

INNAA-LILLAAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha baaxadda weyn ee Xisbiga WADDANI ku lee yahay gudo iyo dibad ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan ciidamada dalka isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Taliyahii hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL Marxuum/Gaashaanle Faysal Kaamil Ciise oo maanta oo taariikhdu ahayd 26/10/2016kii ku geeriyooday magaalada Hareysa.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa Ehelkii, Qaraabaddii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo na ku siffeeyey in uu ahaa adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan, sida oo kale na uu ahaa Sarkaal Ciidan oo si daacada ugu adeegi jiray Qaranka Somaliland, kuna tilmaamay in uu ka mid ahaa Saraakiishii aas aasay Ciidamada Qaranka Somaliland ee habeen iyo maalin ba heeganka u ah ilaalinta nabadda iyo amaanka guud ee Qaranka JSL.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu naxariistiisii jannatul Fardowsa uu ka waraabiyo, Eheladdii, Qaraabaddii, Asxaabtii iyo guud ahaan ba Ciidamada kala duwan ee Qaranka na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.

INNAA-LILLAAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland