murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Oo tacsi u diray Marxuum Axmed Aadan Cali (Goodir)

0
370

TACSI GUDDOOMIYE
04 December 2016
Hargeysa(WSN)Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Aadan Cali (Goodir) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa xalay (04/12/2016), kadib xannuun ku soo booday.

Marxuum Axmed Aadan Cali (Goodir) waxa uu ahaa siyaasi rug-caddaa ah oo taariikh wayn ku lahaa Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shaqooyin iyo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyey ee soo maray dalka, waxa uu ka mid ahaa toddobadii xubnood ee Komishankii Doorashooyinkii ugu horreeyey ee Somaliland, waxaannu hadda ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dawladaha hoose, waxa kaloo uu ka mid ahaa xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE. Sidoo kale, waxa uu doorka wayn ku lahaa halgannadii kala dambeeyey ee waddanka iyo dadaalladii dawlad dhiska Qaranka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE