MUS-DANBEEDKA IYO MASUULKA REER SAAXIL WAA MUUSE BIIXI

0
359

MUS-DANBEEDKA IYO MASUULKA REER SAAXIL WAA MUUSE BIIXI
………………………………………………………………………………….
Muuse Biixi waa Dugsi Danihiisa gaarka ah
Danta guud ka doortoo Isku duubnideeniyo
Daacad iyo walaalnimo Dadka nolol la jeceloo
Aayaha danbeetiyo Dalka horumarkiisiyo
Dadku inay sinaadaan Dawladnimiyo horusocod
Dalka wada jirkiisiyo Dadka samo la jecel……

11 bishan April ayey ahayd markii magaalo xeebeedka Berbera lagu qabtay dufcad arday ahayd oo ka qalinjisay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Gollis faraceeda Berbera, qalinjabinta ardaydaa waxa munaasibadaa kala qayb galay masuulyiin kale duwan oo uu ka mid ahaa gudoomaha Xisbil Xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, sharaf qadarin iyo maamuus ayey u ahayd ardayda inuu kala soo qayb galo Gudoomiye Muuse qalinjabintooda oo uu farxada la qaybsado, halka ay dhigiisii ka muquurteen munaasibadaa reer Ardayda lagu fooladaynaayey, GOBI GOBAY LA JAARTAAYE Muuse Biixi hadalo dhaxal gal, hanbalyo, bogaadin,waano iyo dardaaran isugu jira ayuu goobta ka jeeday, ugu horayna wuxuu hanbalyeeyay dhalintii loo dabaaldagaayey qalinjabintooda wuxuu Gudoomiye Muuse Tilmaamay Waxtarka Tacliinta, Hannaanka Berbera ku Horumari karto, khayraadka kala duwan ee Alle SWT ku manaystay gobolka saaxil iyo nasiibka ay dheeryihiin bulshawaynta ku nool reer Somaliland, wuxuu Muuse Biixi Cabdi tilmaamay waxtarka tacliintu ka gaysan karto baahiyaha bulshada Somaliland isagoo ka hadlay kaalinta magaalada Berbera kaga jirto dalka iyo muhiiimada ay u leedahay jiritaanka qarankeena.

Gudoomiye Muuse wuxuu sheegay inay Berberi tahay meel u baahan in la magaaleeyo, isagoo tilmaamo ka bixiyey tallaabooyinka loo baahan yahay si horumar ballaadhan ay u gaadho magaalo-xeebeedkan uu ka soo xeroodo dhaqaalaha ugu badan ee Somaliland, wuxuuna ku tilmaamay inaanay Berberi ahayn meel dad loo soo reer Berbera ugu bushaareeyey wuxuu reer in Alle SWT ugu deeqay Nimcadda uu adoomihiisa ku manaysto intii ugu muddnayd, Berbera waxay heshay baddii, Beerihii, xoolihii iyo buurtii oo macdiintii ah, dekeddii, madaarkii Afrika ugu waynaa iyo dadkii ugu ilbaxsanaa Somaliland. Berbera waa in iyada loo soo guuro oo iska dhaaf Somaliland oo dhan ee in caalamku kaga soo guuro Cirka, Badda iyo berrigaba oo la soo doonto ayuu Muuse tilmaamay.
Gudoomiyuhu waxa sidoo kale uu soo jeediyey in la xoojiyo ammaanka dadka dalxiiska u tagay badda Berbera oo uu xusay inay kor u qaadayso booqashadeeda iyo xiisaha loo qabo tagisteeda, isagoo is gaar ugu baaqay dhallinyarada Berbera inay ka hawlgaan sidii badda loo bari lahaa, loogana ilaalin lahaa dad aan aqoonta u lahayn, isagoo tilmaamay in xil gaar ahi saaran yahay dhallinyarada Berbera ee weliba ah wiilasha, badda Berbera, Ceerigaabo ilaa Saylac dadka dega deegaankeeda waxa looga baahan yahay dadka yimaada in dhallinyaradu marka hore inay tusaan inay yihiin dad wanaagsan oo lala dhaqmi karo, laguna soo hirto, badda Berbera labaatan bas baa yimaada oo ka kala yimi magaalooyinka Burco, Hargeysa, Boorama, Wajaale ilaa Laascaanood haddii aan la caawin dadkaas dalxiiska u imanaaya Berbera in bas walba la sii saari doono mayd waayo dalxiisayaashii dabaal garan maayaan, wuxuuna ku kaftamay Muuse in aan dadka amnigooda la ilaasho oo aan mobilada iyo kabaha laga qaadan runtii waana mid waajib ah oo qof kasta oo Caqli, Cilmi, Samo ka talis iyo Garasho u saaxiib ahi oo waliba Hayin ahi kula dardaarmi lahaa Dhalinta reer Berbera iyo qof kasta oo uu wanaagooda iyo horumarkoodaba jecel.
Gudoomiye Muuse Biixi waa masuulka kaliya ee waqtigiisa siiyey waliba safar u galay siduu reer berbera ula qaybsan lahaa farxada Aqoonyahanadaa Gobolka Saaxil iyo Somaliland u soo baxay, Muuse waa nin reer Berbera ah, waa nin reer Saaxil ah, Waa halyey naftii hore ah oo dalkan iyo dadkanba duurka u soo galay siday xornimadooda ula soo noqon lahaayeen gumaysigiina isaga kicin lahaayeen, dheecaankiisii, dhiigiisii iyo dhididkiisii ayey maanta dheefsanaynaa reer Saaxil iyo Somalilandba cid ka xigta Berbera oo ka sheegan karta ma jirto, waxa ayaan daro iyo diciifnimo ah in la majaro habaabiyo hiilkii uu ugu boqoolay Qalinjabinta jaamacada Gollis halka Asxaabtii kale ee qaranku ka muquurteen xafladaa taariikhiga ahayd.
Muuse Biixi Cabdi ma gayo oo milgihiisa maaha inuu cay iyo aflagaado kula kaco halkuu ka soo jeeday iyo ciduu halkanka dheer u soo galay midna, xaasha reer Berbera iyo Muuse makala maarman oo waa Ul iyo Diirkeed, Muuse waa Musharixa kaliya ee u guuro galay damintii shiqaaqadii ka dhalatay dilkii Marxuum Taliye Casayr, muu gamin oo kamuu soo noqon Gobolka Saaxil ilaa uu xal ka soo gaadhay dhibtii ina wadda damaqday inta samaha iyo wanaaga Saaxil jecelina way ogyihiin kaalinta uu Muuse ugu jiro Bulsho waynta ku nool Gobolkaas.
Ugu danbayntii Muuse Biixi Cabdi waa musharaxa Gobolka Saaxil, waa odayga Gobolka Saaxil, waa Siyaasi reer Saaxil ah, waa geesi reer Saaxil ah,waa mujaahid, waa aqoonyahan meeshii la taabtaaba waa Saaxil reer Saaxilna way ogyihiin kaalinta uu ugu jiro..

Qalinkii: Maxamuud Axmed Xirsi
Contact: 063-4447924
Email: Mfigo04@gmail.com
Facebook: Mahamuud Ahmed