Musharax Cumar C/rashiid”Dowlado shisheeye ayaa faragelin ku haya doorashada SOMALIA”

0
377

Musharax Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa afka furay isagoo ku eedeeyay dalalka deriska ah qaarkood inay faragelin ku hayaan Doorashada dalka oo ay wataan shaqsi gaara.
Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaan magacaabin dowladaha uu tilmaamay, laakiin wuxuu sheegay inay cadaadis ku saarayaan maamulada dalka in la doorto musharax gaara.

Baarlamaanka Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay iska ilaaliyaan Faragelinta tooska ah ee wadamada Dariska ay ku hayaan Doorashada dalka, taasina laga digtoonaado, isagoo sheegay inaysan habooneyn arrimaha ammaanka in looga faa’iideyso arrimo siyaasadeed.
Cumar C/rashiid Cali ayaa muddooyinkan danbe warkiisa la maqlin, waxaana yaraaday ololihiisa iyadoo loo aaneynayo inay taageeradii kala noqdeen dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya oo hore u sheegay inay ku taageerayaan sidii uu doorashada ugu soo bixi lahaa.
Hadalka R/wasaare Cumar C/rashiid ayaa u muuqda mid uu ku weerarayo Xasan sheekh oo taageero xoogan ka heysta Dowlada itoobiya.