Musharax Jamaal Cali Xuseen, Oo Ka Hadlay Talaabada Ku Xigta Wareejinta Haamaha Iyo Danta Ay Ka Leedayahay Xukuumadu, Baaqna U Diray Shacabka Iyo Ciidamada Qaranka

0
530

Musharax Jamaal Cali Xuseen, Oo Ka Hadlay Talaabada Ku Xigta Wareejinta Haamaha Iyo Danta Ay Ka Leedayahay Xukuumadu, Baaqna U Diray Shacabka Iyo Ciidamada Qaranka

Hargeysa(Warsugannews)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa sheegay inay isku xidhan yihiin wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana xukuumadda KULMIYE boob ku hayso hantida iyo khayraadka dalka.

Sidaana waxa sheegay murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Jamhuuriya, isagoo ku eedeeyey xukuumadda in aanay jeclayn wax laga dhaxlo, sidaas darteedna ugu hawlan yihiin inay kaabayaasha dhaqaalaha oo dhan cid gaar ah ku wareejiyo.

“Waxa aannu rumaysanahay in Haamaha Shidaalku yihiin tijaabada ugu dambaysay ee lagu eegayo dulqaadka dadweynaha reer Somaliland, kadib marka wareejinta haamuhu dhamaatana loo socdo in lagu xigsiiyo dekedda Berbera, markaas kadibna halka ugu dambaysa ee loo socdaa tahay dhaxal-wareejinta qarannimada Somaliland, una malayn maayo in xukuumadda Siilaanyo doonayso in wax ka dambeeyaan, sababtoo ah boobka qaawan ee ay sameeyeen waxa uu tijaabo u yahay in aan cid ka daba iman oo Somaliland noqoto meel la wareejiyo, iyadoo ay isku xidhan yihiin wareejinta Haamaha Shidaalka iyo qarannimada Somaliland,” ayuu yidhi Mr. Jamaal Cali Xuseen.

Murrashaxa xisbiga UCID oo ka hadlay waxa uu ku caddaynayo eedaymaha uu u jeediyey xukuumadda, waxa uu yidhi; “Waxa noo caddaynaya in marka qofka ama xisbiga KULMIYE rajo ka qabo dalka iyo mustaqbalkiisa may dhaceen ama ma sameeyeen arrimahan foosha xun ee ay khayraadka Somaliland ku dhaxal-wareejinayaan oo waxa hore u dhacday in guryihii dawladda la xaraashay, warshadihii laydhka oo la wareejiyey iyo Haamaha Shidaalka oo hadda la wareejinayo, arrimahaas oo dhana looma marin sifo sharci ah. Inkastoo qodobka 12aad ee dastuurku ogolaanayo in madaxweynuhu wareejin karo, iibin karo ama kirayn karo meelaha khayraadka dalka ah, haddana waxa waajib ah oo dastuurku waajibiyey in sifo sharci ah loo maro, lagana ansixiyo Golaha Wakiillada, isla markaana la sameeyo xeer lagu maamulo khayraadka dalka, kaasna weli lama samayn, hanti badana ilaa maanta waa la wareejiyey, sifo sharci ahna looma marin.”

Waxa kaloo uu sheegay in boobka khayraadka dalka iyo wareejinta Haamaha Shidaalku keeni karto isku dhacyo iyo mudaharaad salmi ah oo ay sameeyaan dadweynaha reer Somaliland, kaasoo ay hormuud ka noqon doonaan xisbiyada mucaaridka ah.

“Sharci ahaan iyo nidaamka caalamka ka jira marka la eego, xukuumaduhu wax heshiis ah ma geli karaan, waxna ma wareejin karaan sannadka ugu dambeeya muddo-xileedkooda, sababtoo ah waa xilliyo xaasaasi ah, markaa way ka meermeeraan wareejinta khayraadka dalka, sidaas darteed, xukuumadda KULMIYE lagama filayn inay sannadkoodii u dambeeyey galaan heshiisyo waaweyn, waxaana ceeb ah in si dhibyar lagu wareejiyo hanti ummaddu wada leedahay oo ay dalka ka soo gasho 240 milyan oo doollar oo sannadkiina ay ka soo baxdo lacag dhan $24 milyan oo doollar, waxaanna is weydiin leh sababta xukuumaddu u doonayso inay wareejiso Haamaha Shidaalka oo cashuur ka soo gasho ummadda, iyagoo ku jira sannadkoodii u dambeeyey oo ay si ku-meel-gaadh ah xilka u hayaan, maadaama waqtigoodii dhamaaday, kuna joogaan muddo-kordhin, waxaanna la yaable in aanay jeclaan wareejinta haamaha shantii sanno ee ay xilka hayeen oo markii ay meesha ka sii tagayeen ayey la noqotay inay wareejiyaan.”

Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa sidoo kale sheegay in aanay Somaliland wax guul ah ka gaadhin wadahadalka Soomaaliya, balse markasta madaxweynaha Soomaaliya ka shaqaynayey sidii Somaliland ula midoobi lahayd Muqdisho marka la gaadho sannadka 2016, waxaannu xusay in Somaliland ku khasaartay wadahadalka ahaa soo soco iyo sii soco.

“Shacbiga reer Somaliland waxa u dirayaa farriin ah in lagu jiro waqti adag oo aanay xukuumaddu ka shaqaynayn daryeelka ummadda iyo qarannimada Somaliland, waana xukuumad doonaysa hanti urursi, waxaanna jirta in dalku aanu shaqayn marka laga wareejiyo goobaha khayraadka iyo ilaha dhaqaalaha ee hantida qaranka ah, kaamabayaasha dhaqaale ee inoo soo baxayeyna dad gaar ah iyo kooxo ganacsato ah ayaa lagu wareejiyey, sidaasna ku shaqayn mayso Somaliland, waxaanna la gaadhay xilligii shacbiga Somaliland ay indhaha furi lahaayeen, kana gilgilan lahaayeen waxyaabaha socda oo aannu madaxweynuhu maalin qudha ka hadal, waxaanna muhiim ah in shacbigu feejignaado oo ay isku soo baxaan marka ay dareemaan in meel lagaga dhacayo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Waxa kaloo uu farriin gaar ah u diray ciidanka qaranka Somaliland oo uu ku waaniyey inay ka fogaadaan arrimaha siyaasiga ah, kana shaqeeyaan ilaalinta iyo adkaynta qarannimada dalka, isagoo tilmaamay in ciidanku aad ugu amaanan yahay kaalinta xoogan ee uu kaga jiro ilaalinta xuduudka iyo karaamada qaranka Somaliland.

warsugannews

Hargeysa/office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here