Muuska Dusha Sare Ka Madoobaada Maaha Qudhun Ee Waa Dawo

0
418

Muuska Dusha Sare Ka Madoobaada Maaha Qudhun Ee Waa Dawo

Muuska waxaa ku jira maadooyinka cuntada laga helo dhamaantood sida faytamiinnada iyo macaanka dabiiciga ah, waxayna dhakhaatiirtu sheegaan in dawo looga raadin karo xanuuno badan, wuxuu faaiidooyin wayn u leeyahay xubnaha jidhkeenna.
Inta badan dadka muuska cuna waxay ka siman yihiin fahamka ah in madowga ku samaysma qolofta kore ee muuska uu muujinayo qudhmid iyo inuu xumaaday oo aan la cuni karin sidaasna ay iskaga tuuraan, laakiin xaqiiqada cilmiga ah waxay tahay in fahamkaasi khaldan yahay. Markasta oo muuska diirkiisu sii madoobaado waa markasta oo bisaylkiisu gaadho halkii loo baahnaa.
Marka kasta oo muusku uu sii bislaado waxaa ku badanaysa maadada loo yaqaan TNF (Tumor Necrosis Factor) oo ah maado ka hortagta cudurka kansarka. Maadani waxay burburisaa unugyada burooyinka keena kansarka.
Faaidooyinka kale ee muusku leeyahay waxaa ka mid ah:
• Cunista xabad muus ah waxay kaa yaraynayaa ama kaa joojinaysaa laab dillaaca
• Cunista xabad ama labo muus ah jimicsiga ka hor waxaad ka helaysaa tamar iyo awood dheeraad ah
• Cunista Muusku waxay hoos u dhigtaa xanuunka dhiig karka