Muxuu Angel Di Maria ka yidhi hadii uu gool ka dhaliyo kooxdiisi hore ee Real Mardrid miyuu Dabaal-degi Doonaa ?

0
663

Muxuu Angel Di Maria ka yidhi hadii uu gool ka dhaliyo kooxdiisi hore ee Real Mardrid miyuu Dabaal-degi Doonaa ?

Hargeysa(Warsugannews)Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain Angel Di Maria ayaa ballan-qaaday inaanu dabaal-degi doonin haddii uu gool ka dhalliyo kooxdiisii hore ee Real Madrid kulanka Group A ee tartanka UEFA Champions League habeenka Arbacada ah.

Kooxda Real Madrid ayaa xiddiga reer Argentine ka iibisay Manchester United xagaagii 2014-kii, iyadoo Di Maria uu goor dame sheegay inaan looga abaal-gudin kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu. Inkasta oo taageereyaasha Los Blancos ay si aad ah uga cadhoodeen go’aankii ay kooxdoodu ku iibisay 27-sanno jirkan oo la qaaday koobka Champions League.

Di Maria wuxuu sheegay inaanu dabaal-degi doonin haddii uu shabaqa ka soo taabto Real Madrid maadaama uu ixtiraam u hayo kooxdiisii hore. “Haddii aan gool ka dhalliyo Real Madrid marnaba ma dabaal-degi doono sababtoo ah jaceyl qoto dheer ayaan u hayaa kooxdan mana iloobi doono khibraddii aan ka helay Real Madrid” ayuu u sheegay Canal Plus.

Di Maria oo bishii August ee sannadkan ku soo biiray kooxda ka dhisan Parc des Princes ayaa aaminsan inay PSG leedahay tayo ay kooxaha ugu awooda baddan Yurub kula tartanto hanashada Champions League. “Si wadajir ah ayaan ugu dagaalami doonaa hanashada Champions League” Di Maria ayaa sidaasi yidhi.

“Tan iyo markii aan kooxdan imid waxaan la dhacay tayada ciyaartoyda PSG. Ciyaartoyda aan haysano waan kula guuleysan karnaa Champions League”. Hogaamiyeyaasha horyaalada Ligue 1 iyo La Liga ayaa kulankooda Arbacada foodda isku dari doona iyagoo min laba guul ku furtay Group A.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here