NEW YORK: Fannaan caan ah oo darbi-jiifnimo ku dhintay

0
379

WAAXA DIYERIYA YAASIR BR

Fannan mareykan ah oo shidnaa sideetameeyadii oo lagu magacaabo Colonel Abrams ayaa meydkiisa laga helay isbuucii tegay magaalada New York halkaas oo uu darbi-jiif ku ahaa sanooyinkii u dambeeyay.

Fannaankan oo sideetameeyadii ku jiray liiska “Top ten-ka” Mareykanka ee haasaha hirgalay ayaa noloshu ka qalloocatay kaddib markii uu u weecday dhanka maandooriyaha, sidaasna ay kusoo afjarantay noloshiisii heesaha.

Dhaqaale xumo baahsan iyo busaarad lasoo daristay ayaa fannaanka waxa ay dantu ku khasabtay in uu darbi-jiif noqdo, uusana haysan hoy uu ku noolaado.

Inta uusan dhiman ka hor ayay wararku sheegayaan in uu la ildarnaa xannuunka loo yaqaan sokorta, kaas oo loo badinayo in uu dilay (Allaah wax dilee).

Marxuumka ayaa ku caan ahaa heesta “Trapped”

DAAWO HEESTA: