Nin Qoxootinimo Ku Jooga Dalka Jarmalka Oo Dacweyay Shirkadda Facebook

0
335

Nin Suuriyaan ah oo qaxooti ku ah Dalka Jarmalka isla-markaana Sawir la galay Ra’isal wasaaraha Dalkaasi Angela Merkel, ayaa dacwad ku
soo oogay Shirkadda Facebook oo uu ku eedeeyay inay ku Masabidday qoraallo Argagixisonimo oo lagu faafiyey barta bulshadu ku xidhiidho ee Facebook.

Tallaabadan sharci ee uu qaaday Ninkan Qoxootiga ah waxay ku soo beegantay iyadoo cadaadis badan lagu saarayo Shirkadda Facebook inay wax ka qabato Wararka beenta ah ee boggageeda lagu faafiyo.
Waxa jiray dhacdooyin fara badan oo ka dhacay Jarmalka oo dad soo galooti ah iyo qaxootiba lagaga faafiyey warar been ah baraha bulshada.
Anas Modamani oo ah ninka haatan dacwadan furtay, ayaa ka mid ah dadka Wararka beenta ah lagu masasabiday.
Bishii September, 2015-kii oo ay Angela Merkel booqatay xarun ay ku nool yihiin dadka qaxootiga ahi, ayaa ninkani caan noqday ka dib markii uu Sawir la galay Raysal-wasaaraha Jarmalka.Anas Imika waa 19 jir, waxaanu dalka ku galay qaxootinimo, ka dib markuu ka soo qaxay magaalada Daaraya ee dalka Suuriya, waxaanu Jarmalka galay markii uu socdaal dheer ku soo maray Dalalka Turkiga, Giriigga iyo Seerbiya.