“Ninka Is Leh Ninkaad Is Hortaagtay Ayaa Kuu Soo Noqonaya Oo Isku Reer Ayaad Tihiin Waxa Aan Odhan Lahaa Meel Aan U Soo Socdaa Ma Jirto Imana Maayo” Maxamed Biixi Yoonis

0
344

“Ninka Is Leh Ninkaad Is Hortaagtay Ayaa Kuu Soo Noqonaya Oo Isku Reer Ayaad Tihiin Waxa Aan Odhan Lahaa Meel Aan U Soo Socdaa Ma Jirto Imana Maayo” Maxamed Biixi Yoonis

Hargeysa (Warsugan) Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah masuuliyiinta ku biiray xisbiga WADDANI ayaa si qoto dheer uga hadlay sabaha ay uga baxeen xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, waxaanu intaas ku daray inaanu ahayn nin dib ugu soo rogaal celin doona xisbiga KULMIYE

Maxamed Biixi Yoonis ayaa hadalkiisa waxaa ka mid ahaa “Waxa aynu doonaynaa in aynu higsano ictiraaf buuxa oo dalkeenu nabad gaadho oo meel aynu higsano, waxaba inoo tari mayso in aynu caalamka isku soo jeedinaa, caalamka waxa aanu ka shaqaynaynay oo intaa aan wasiirka ahaa geed dheer iyo geed walba u fuulay inaan dad keeno; halkaa waad arkayseen oo Itoobiya ayaa inoogu xigta wax ale iyo wixii wasiir ahaa ayaan halkaas keenay waar cilaaqaad la samaysta, dekadihiina dhista, jidadkiina dhista. Waxaa aanu doonaynaa oo aanu gudoomiyahana kala hadalnay oo aad wada maqlayseen wax ale iyo wixii shacabiga Somaliland doonayo ee horumar leh ee ictiraaf leh ee miisaan isku dheeli tiran leh ee leh kaabayaasha dhaqaalaha oodhan oo leh dimuquraadinimo;”

Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlayey sababta ay KULMIYE uga soo baxeen ayaa yidhi “dimuquraadiyad la’aan ayaanu uga soo baxnay murrashaxa ayaan ahaa, aniga oo murrashax ah oo doonaya inaan iska sharaxo KULMIYE ayaa la iga hor joogsaday markaa ninka is leh ninkaad is hortaagtay ayaa kuu soo noqonaya oo isku reer ayaad tihiin waxa aan odhan lahaa meel aan u soo socdaa ma jirto imana maayo, waanan idiin sheegayaa dadkana la kala hayn maayo waanu burburinayna wixii arrinkaa (Qabyaalada) dad wada dhashay ayeynu nahay, Somaliland ayeynu nahay qaran iyo qoomiyad ayeynu nahay, yaan dadka lagu beer laxawsanin reer hebel iyo reer hebel ayeynu nahay”

Xigasho Wargeyska Warsugan