NORWAY: Soomaalida lagala noqday sharciga oo wajahaya ciriiri xagga nolosha ah

0
829

Dowladda Norway oo muddooyinkii u dambeeyay cadaadis ku haysay soo galootiga dalkaasi ayaa waxaa ay arrintaasi saameyn xooggan ku yeelatay soomaalida ku nool dalkaasi oo in badan sharciga ay kala noqotay.

Dadka soomaalida ah ee arrintani ay culeyska weyn kasoo gaaray ayaa waxaa ka mid ah muwaadin si weyn looga yaqaan dalka Norway oo lagu magacaabo Mahad Xabiib kaas oo sano hore ay dowladda Norway sharcigii kala laabatay.

Mahad oo 17-sano ku noolaa dalka Norway ayaa waxaa ay hay`adda qoxootiga ee loo yaqaan UDI ku eedeysay in uu ka been sheegay halka uu kasoo jeedo ayna soo ogaatay in uusan soomaali aheyn bal uu yahay nin Jabuutiyaan ah.

Mr. Mahad oo arrinkaasi gaashaanka u daruuray ayaa dowladda Norway u keenay caddeymo ah in uusan Jabuutiyaan aheyn ee uu Soomaali yahay, iyadoona arrinkaasi ay sidoo kale xaqiijisay dowladda Jabuuti.

Culeys xagga nolosha ah ayuu kala kulmay Mahad arrintan, waxaa uu waayay xuquuq badan oo ay ka mid tahay shaqadiisa dhakhtarnimo oo ku eg labaatanka bishan Janaayo maadaama uu ka dhacayo sharciga shaqada.

Mahad ayaa kharash farabadan waxa uu uga baxay arrintan kasoo wajahday dhanka dowladda Norway, waxaana uu dhawaan iska iibiyay guri uu lahaa si uu ugu kaashado kharashaadka kaga baxaya hay`adaha garsoorka.

Barnaamij xalay ka baxay taleefishinka TV2 ee dalkaasi Norway ayaa lagu soo qaatay dhibaatada haysata Mahad iyo boqollaal kale oo qoxooti ah kuwaas oo u badan soomaali.

In ka bada 500 oo soomaali ah ayaa dowladda Norway waxa ay kala laabatay sharciga, iyadoona ku sameysay dabagal dhan walba ah oo ay ku jiraan baraha bulshada sida Facebook-ga.

Mahad Xabiib ayaa ah shakhsi magac ku dhex leh soomaalida Norway, waxaana dadbadani ay ku yaqaanaan daneynta dhanka siyaasadda Soomaaliya oo uu mar isu caleemo-saaray madaxweynaha maamulka Saylac iyo Lughaya oo ah labo gobol oo soomaaliyeed oo saaran cirifka xuduudeed ee dalkaasi Jabuuti.