Nuxurka Codsi Ay Dawladda Somaliland U Gudbisay Midowga Africa.

0
348

Dawlada Somaliland ayaa midowga Africa u gudbisay codsi ah inay Somaliland xubin ka noqoto ururka Midowga Africa.
Sidaana waxa xaqiijiyey wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isaga iyo wafti uu hogaaminayaa ay maalmihii u danbeeyey safar ugu joogeen magaalada Addis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya,sidoo kale ah xarunta midowga Africa.
Dr Sacad Cali Shire oo waraysi siiyey wakaaladda wararka All East Africa ayaa yidhi sida tan ”Hadii loo baahdo waxaanu u gudbin doonnaa codsi cusub midowga africa”.
Wasiirku waxa uu sheegay inay doonayaan inay midowga Africa ajandaha koowaad ka dhigo arrimaha u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya
“waxaanu doonaynaa in midowga Africa ajandaha koowaad ka dhigaan arrimaha Somaliland iyo Somaliya”ayuu yidhi Sacad Cali Shire waxaana uu intaa ku daray in Soddonkii Sanadood ee ay Somaliland la midaysnayd Somaliya ay waayo aragnimo ugu filan tahay
“Waxaanu qayb ka ahayn Somaliya 30 Sanadood waxaan filayaa inay ku filan tahay” .
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Xaqiiqadu waxay ahayd Soddon Sanadood oo waaya aragnimo xun aha yaan kala kulanay midnimadii .25-kii sanadood ee u danbeeyey gaar ayaanu u taagnayn ma jirto sabab aan ugu noqono midnimo aan shaqaynayn”sidaas ayuu Yidhi Dr Sacad Cali Shire.