Nuxurka Kulan Madaxtooyada Ku Dhex Maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddiga Doorashooyinka

0
307

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa habeen hore aqalka madaxtooyada kulan kula yeeshay guddiga doorashooyinka qaranka.

Kulanka oo aanu wax war ahi ka soo bixin, ayaa warar uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in guddiga doorashooyinki ugu horayn Madaxweyne Siilaanyo uga warameen halka ay u marayaan hawlihii daabicista kaadhadhka cod bixinta iyo arrimaha kale ee farsamo.
Guddiga ayaa sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ku wargeliyay inay sabtida isugu yeedhayaan saddexda murashax madaxweyne ee saddexda xisbi, kuwaas oo ay kala hadli doonaan arrimo ku saabsan doorashada madaxtooyada. Waxa kale oo uu warku sheegay inay guddigu madaxweyne Siilaanyo kala hadleen arrimo ku saabsan miisaaniyadda ay guddigani ku shaqeeyaan iyo dhaqaalaha loo baahanyahay si doorashadu u qabsoonto.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu guddiga doorashooyinka ku adkeeyay inay ku dedaalaan inay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto, isagoo xusay in wixii duruuf ah ee soo koradhana ay go’aan ay u dhanyihiin ka wada gaadhaan guddiga doorashada iyo xisbiyadu.
Waxa kale oo uu warku sheegay in Madaxweyne Siilaanyo soo jeediyay in kaadhadh qaybinta laga bilaabo magaalooyinka waaweyn ee ay dadku joogaan.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa kursiga ku fadhiya muddo kordhin loo sameeyay sannadkii 2015, ka dib markii ay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi weyday. Inkastoo uu Madaxweyne Siilaanyo balan qaaday inaan muddo kordhin labaad loo samayn doonin, haddana waxa muuqata sansaan muddo kordhineed oo aan mudadeeda si rasmi ah loo garanayn.