Nuxurka Qodobo Laga Saaray Shire Beeleed ka Socday Deegaanka Qalloocan Ee Gobolka Togdheer

0
382

Nuxurka Qodobo Laga Saaray Shire Beeleed ka Socday Deegaanka Qalloocan Ee Gobolka Togdheer

Burco(Warsugannews):-Waxa deegaanka Qalloocan ee gobolka Togdheer lagu soo gaba gabeeyey shir dhaqameed ay yeelataybeesha Ibraahin Sheekh Isaxaaq(Sanbuur).

Shirkan oo mudooyinkii ugu danbeeyey ka socday deegaanka ayaa maanta la soo gaba gabeeyey isla markaana laga soo saaray qodobadan.

SHIRWEYANAHA BEESHA IBRAAHIM SHEEKH ISXAAQ

Qodobada ka soo baxay shirweyanaha beesha Ibraahim Sheekh Isxaaq kaas oo ka qabsoomay magaalada Qalloocan ayaa kala ah
1. Beeshu waxay go’aansatay taabbo-gelinta iyo ku-dhaqanka diinta Islaamka
2. Beesha Ibraahim Sheekh Isxaaq waxay si buuxda u ayidaysaa in jiritaanka Somaliland yahay lama taabtaan.
3. Beeshu waxay isku raacday horumarinta degaammadeeda sida; caafimaadka, waxbarashada, biyaha iwm.
4. Waxay beeshu xoojinaysaa nabadgelyada isla markaana ugu baaqaysaa xukuumadda iyo beelaha Somaliland, adkaynta nabadgelyada iyo in laga foojignaado meelna looga soo
wada jeesto cid kasta oo wax yeellaynaysa.

5. Sidii caadada u ahayd, beeshu waxay xoojinaysaa in ay kula dhaqanto dhamaan beelaha kale ee Somaliland deriswanaag iyo walaaltinnimo.
6. Beeshu waxay go’aansatay in ay doonato mansabyada ay xaqa u leedahay ee heer qaran, heer gobol iyo heer degmoba
7. Waxay beeshu ugu baaqaysaa xukuumadda, beelaha Somaliland iyo hay’adaha ay khusaysoba in la ilaaliyo degaanka lagana hortago wax kasta oo dhibaato ugeysan kara sida; gubista, goynta dhirta iwm.
8. Beeshu waxay ka soo horjeeddaa in si gaar ah loo ooto dhulka xoolo-daaqeenka ah ee ka dhexeeya bulshada.Chief Caaqil Axmed Xasan Saliid oo ka mid ah Cuqaasha beelaha Sanbuur wayne oo ka warramay baahiyaha deegaanada beesha ayaa sheega y inu xukuumaddu ka habsaantay wax ka qabashada deegaanada beesha isla markaana aanay helin adeegyo caafimaad, waxbarasho IWM.
11954826_1611223312471630_6073526189417479796_n

11220878_1611222962471665_7651285257244555690_n

11248956_1611222995804995_4306831654685765117_n

11781707_1611223432471618_7148317387370294488_n

11885272_1611223089138319_1308307562232767073_n

11887869_1611223179138310_1181568171752545710_n

11889676_1611223142471647_3849116300506489109_n

11892259_1611223279138300_7614727675352094398_n

11892261_1611222915805003_5602061936294535962_n (1)

11892261_1611222915805003_5602061936294535962_n

11892261_1611223039138324_7853665386807231779_n

11896003_1611223405804954_8202437934483831128_n

11898761_1611223495804945_8663494409627448403_n

11898912_1611222869138341_9073137025231104033_n

11916091_1611223382471623_2289572587563674570_n

11934989_1611223455804949_1570882023796402900_n

11949332_1611223215804973_134369503276108399_n

Warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here