Nuxurka Su’aalo Xiiso Leh Oo La Waydiiyay Gudoomiyaha Ahna Musharraxa Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Iyo Jawaabaha Uu Bixiyay

0
525

Nuxurka Su’aalo Xiiso Leh Oo La Waydiiyay Gudoomiyaha Ahna Musharraxa Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Iyo Jawaabaha Uu Bixiyay

Sidee Lagugu Aammini Karaa In Aad Sharciga Dalka Ilaalinayso? Maxaa Kaaga Qorshaysan E-Dahab Iyo Zaad? Ma Wasiirrada Jooga Ayuun Baad Soo Celin Doonta? Maxaad U Ogoshahay Dumarka? Xukumadda Aad Soo Dhisayso Tayadeeda Iyo Tiradeedu Maxay Noqon Doonta?

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo habeen hore ka qayb galay munaasibad ay lahaayeen arday ka qalin jabiyay kulliyaddaha hoggaaminta iyo dawladnimada (Leadership and Governance) iyo maamulka mashaariicda(Project Management) ayaa la waydiiyay su’aalo door ah oo ku saabsan qorshihiisa haddii uu ku guulaysto xilka Madaxweynenimo. Musharraxa oo khudbad jeediyay ayaa sheegay in uu doonayo in sharciga iyo kala dambeyntu dalka ka shaqayso korna loo qaado amniga gudaha iyo difaaca Qaranka, waxaana kadib bilaamay su’aalaha ardayda.

Sidee Lagugu Aammini Karaa In Aad Sharciga Dalka Ilaalinayso?
Nimco oo baratay cilmiga hoggaaminta iyo maamulka ayaa sheegtay in la dhalliilay hannaankii Musharrax Muuse Biixi ku noqday musharraxa Kulmiye, islamarkaana aan cidi la tartamin oo kooto loogu xidhay, waxaanay waydiisay “Maaddaama dadku dhalliilayo oo la leeyahay sharcigii xisbiga ayaad jabisay hadhaw sidee baa lagugu aammini kara in aad sharciga dalka ilaalinayso?”

Musharraxa ayaa su’aashaasi kaga jawaabay “Horta mid weynu isku raacsanahay oo in dawladnimadu ku dhisan tahay in sharciga la ilaaliyo waynu isku raacsanahay, ta xisbigana markii shirka dee anigu maan talinayn ee waa la ii talinayay, marka cidda ii talinaysay waxay ahayd shirguddoonka xisbiga, Madaxweyne kama talinayn,anna kama talinayn, xeerka xisbigayaga soo akhri, haddii aan awood leeyahay oo aan xidhay waa eed aad igu qaadi karto laakiin, shirku wuxuu leeyahay guddi qabanqaabo iyo guddi hoggaamisa marka ay labaduba dhammeeyaan ayaa ergadu cod u qada mawduuca laga hadlayo marka intii ergo ee fadhiday ayaa la waydiin in cidi kootada ku khasabtay oo halkaas ayaad ka hubin laakiin, anigu eedaha ma lihi awoodna uma lahayn.”

Maxaa Kaaga Qorshaysan E-Dahab Iyo Zaad?
Mid ka mid ah wiilasha kulanka ka qayb galay ayaa sheegay in nidaamka lacagaha telefoonka lagu qaato ee ZAAD iyo E-Dahab meelaha dunida ay ka shaqeeyaan dawladdu maamusho waxaanu musharrax Muuse waydiiyay su’aal nuxurkeedu yahay “Caalamka meelaha ay ka jiraan nidaamkan dawladda ayaa gacanta ku haysa oo lacagta ka iibisa sidaas ayayna ku qaatan Beersantayj(Percentage) marka haddii aad guulaysto maxaad ka bedelaysa nidaamka Somtel iyo Telesom ee dhinaca lacagta?”

“Aan kula hubiyo in uu jiro siistamka aad sheegtay iyo in kale, hadii uu jiro oo khalad jiro waanu saxayna laakiin, arrinka aad ii sheegtay in uu sidaas yahay iyo inkale anigu ma hubo qoladii bangiga iyo maaliyadda oo jooga ayaa kaaga jawaabi laha, aniguna wax aanan ogayn faro gelin maayo.”

Ma Wasiirrada Jooga Ayuun Baad Soo Celin Doonta?
Gabadh ka mid ah hablaha ka qalin jabiyay kulliyadda hoggaaminta iyo dawladnimada ayaa musharrax Muuse Biixi waydiisay in uu soo celin doono golaha wasiirrada ee xilligan iyo in uu keeni doono gole cusub haddii uu guulaysto
Musharrax Muuse ayaa su’aashan kaga jawaabay “Ardayga Imtixaanka A keena maxaa la siiya? Abaal gud saw maaha? Wasiirka aad u shaqeeya wuu imanaya kii shaqayn waayana wuu tagaya.”

Maxaad U Ogoshahay Dumarka?
Fatxiya oo ka mid ah ardayda qalinjabisay ayaa sheegtay in dumarku dadaal badan la barbar istaagaan musharraxiinta, waxaanay waydiisay Musharrax Muuse Biixi waxa uu u ogol yahay haddii uu xilka ku guulaysto maaddaama uu wasiirrada, agaasimeyaasha iyo mansabyo kale magacaabi doono.

Musharrax Muuse waxa uu ku jawaabay “Waxaan ogolahay in dadka Somaliland 51% haween yihiin oo dumarku badan yihiin, waxaan ogolahay in dumarku ragga ka lexejeclo badan yihiin oo ilaalinta iyo wax dhaqaalayn leeyihiin, Markii Nabiga SCW arrintu ku adkaatay ee ay noqotay in xata asxaabtu kala jabto taladii lagu guulaystay xaaskiisa ayaa keentay marka dumarka sidaas baan u aqoonsanahay, marka waxa aan ka damacsanahay haddaan sii sheego faan bay noqonaysa insha Allah marka ha inoo ahaato.”

Xukumadda Aad Soo Dhisayso Tayadeeda Iyo Tiradeedu Maxay Noqon Doonta?
Maxamed ayaa guddoomiyaha waydiiyay tirada iyo tayada xukumaddiisu yeelanayso maaddaama hore Kulmiye tartanka ugu galay xukumad tiro yar oo tayo leh haddana ay xadka ka baxeen tirada wasaaraddaha iyo golaha wasiirradu.
Musharrax Muuse waxa uu ku jawaabay “Horta xukumadda yaree iyo badiba Maxamedow labadaba adiga uun baa laga haya! Labadaba adiga uun baa igu khasbaya, dadka codeeya markay na dardaarayan waxay yidhaahdan ‘dawlad kooban oo tayo leh samee’ isla dadkii codeeyay oo intoodii ah ayaa markaad dhisto waxay ku odhanayaan ‘dawladda kan ha lagu daro, kana ha lagu daro’ idinku hadda labada mid ii saxeexa ilayn heshiis baynu wada galaynaaye; dadka ku soo doortay codkooda ha maqlin ee wax walba maya dheh oo taada wado, taas ii saxeexa ama ii ballanqaada ‘anaga ku garab taagan ee ha maqlin dadka’: ayuu yidhi Musharrax Muuse oo sheegay in Madaxweyne kasta ay ku khasbaan dadku in uu kordhiyo xukumadda oo kolba cid ku daro.