OBAMA: – Xaaskeyga waligeed madaxweyne ma noqon doonto, mana tijaabin doonto xitaa

0
305

waaxa qoreaya yaasir br

Tan iyo markii ay guul-darro kasoo hoysay doorashada dalka Mareykanka haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton, ayaa waxaa isa soo tarayay baaqyada ah in xaaska madaxweyne Barack Obama ay noqon karto madaxweynaha mustaqbalka ee Mareykanka.

Obama oo arrintaas daba socda ayaa waxaa uu caddeeyay in xaaskiisa Michelle Obama aysan marnaba noqon doonin madaxweynaha dalka Mareykanka.

” – Xaaskeyga, waligeed ma noqon doonto madaxweyne, mana tijaabin doonto xitaa”, ayuu yiri madaxweynaha waqtigiisu sii dhamaanayo ee Mareykanka Barack Obama mar uu wareysi siinayay jaraa`idka lagu magacaabo Rolling Stone.

Michelle Obama ayaa shacabweynaha Mareykanka iyo inta la jecel in ay madaxweyne noqoto kusoo jiidatay hadalada iyo hab-dhaqanka ay la timaado goobaha ay ka hadasho, waana shakhsi aragto fog leh, cod karna ah.