Oday Axmed Jecli Beerka Jecli ha iska Daayo oo ha Caddeeyo Musharaxnimadiisa ama Tanaasulkiisa

0
337

Oday Axmed Jecli Beerka Jecli ha iska Daayo oo ha Caddeeyo Musharaxnimadiisa ama Tanaasulkiisa

Hargeysa (warsugannews)-XIldhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay loolanka loogu jiro Musharaxnimada Madaxweyne ee XIsbiga Kulmiye, waxaanu Madaxweynaha u soo jeediyey uguna baaqay inuu mawqifkiisa dhabta ah ee ku saabsan Musharaxnimadiisa ama tanaasuulkiisa caddeeyo.

XIldhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay waan-waanta iyo isku soo dhaweeynta ay Guurtidu ka dhex wado Shirgudoonka Golaha Wakiilada, waxaanu ugu baaqay inay iyagu isa saxaan oo faraha kala baxaan Golahooda, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Waxa aynu maqalnaa Madaxweynuhu waa Musharax Doorashada dambe, oo waa kii hore u sheegay, haddana waxa aanu maqalnaa inuu tanaasulayo, oo loolan adagi ka dhex jiro Xisbiga Kulmiye dhexdiisa,markaas oday Axmed xaydha jecli beerka Jecli ha iska daayo oo ha caddeeyo musharaxnimadiisa ama tanaasulkiisa, haddi uu musharax yahay Madaxweynuhu ha fadhiisiyo Dadka is daba cararaya haddii aanu ahayna ha u sinaanado Musharaxiinta, khaladna maaha in qofku han iyo himilo yeelan karo, waana la iska soo sharixi kara XIsbiga Kulmiye dhexdiisa, ee muhiimadu waa in haddii uu Madaxweynuhu tanaasulo in qofkii isa soo sharaxa aan la cabudhin, Xisbi dambe oo inaga burburana taag uma haynaa ee waa in lagu dadaala sidii la isku dhegaysan lahaa”.

Xildhibaan Aareeye ayaa mar uu ka hadlaayey waan-waanta laga dhex wado Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Guurtidani Guurtidii la yaaqanay maaha, dhex dhexaadnimadiina wey ka tagtay, sidaas darteed Saleebaan iyo Guurtidu faraha ha kala baxaan Golahayga oo iyagu ha dhexdooda ha iska saxaan, anaga ayey Golahayga ayeyna u taala heshiiska Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka.

Ta kale waxa aan kula talin lahaa Shirkadaha doonaya Haamaha Shidaalka in iyagu isku tagaan oo Haamaha keensadaan, oo ay iska dayaan damaca Haamahan uu Qaranku wada leeyahay”

Xigasho Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here