OGEYSIIS: ‘Gelbiskii Geerida’ Qallinki: Cabdiqaadir Dayib Askar

0
744

OGEYSIIS: ‘Gelbiskii Geerida’
Qallinki: Cabdiqaadir Dayib Askar

www.abdikadiraskar.com

“Gelbiskii Geerida” waa sheeko-faneed male-awaal ah oo murugo iyo saxariir-nafeed xanbaarsan. Waa sheeko iftiiminaysa duruufaha dhallinyarada qurbaha ku nool u nugleeya in ay si fudud u qaataan afkaarta kooxaha diimeed ee xag-jirnimada ku dhisan.
Dhagaraha dhacaya ee sheekadan ku duugan, waa is-difaacid, nolol-raadis iyo aar-goosi lagu xardhay midab-diimeed. Sawirro si walba u xanuun badan oo daboolka ka qaadaya nolosha adag ee lagala kulmay baabi’ii dawladeed iyo is-ahaanshihii shacabka Soomaaliyeed ee sida wadarta ah uu xilku uga saarnaa badbaadinta iyo daryeelka dhallinyarada.

Waa is-diidooyin ka unkamay hal qoys, kaas oo si tabban ugu kobcay bulsho markeedii horeba dhibbane u ahayd duruufaha qalafsan ee waqtiga.
KALA SOCO SHEEKADAN SI TAXANE AH WARGEYSKA MADAX-BANNAAN EE WARSUGAN. SABTIDA 23/12/2017, AKHRIS WACAN