Ololaha dadka lagu wacyigelinyo badbaadinta Shinnida oo gaadhay magaalada Ceerigaabo

0
391

Ololaha dadka lagu wacyigelinyo badbaadinta Shinnida oo gaadhay magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo (WARSUGANNEWS)- Ololaha xanbaarsan wacyigelinta bulshada la gaadhsiinayo ee nuxukiisu yahay badbaadinta shinnida oo meelo kala duwan ku dhimata, ayaa maanta gaadhay magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Ololaha oo hore looga fuliyey magaalooyinka Hargeysa, Gabiiley iyo Burco ayaa Ceerigaabo waxay noqonaysaa meeshii ugu danbaysay ee maanta la gaadhsiiyo, iyadoo hadda magaaloyinkaas ay dad kala duwani ku baraarugeen badbaadinta shinnida oo aad ugu madhata hudheelada iyo maqaaxiyadaha shaaha lagu kariyo.
Huda abwaan Cali Banfas oo ka mid ah xubnaha ololaha wacyigelinta badbaadinta shinnida, ayaa Ceerigaabo gaadhsiisay farriinta ololaha. Waxaana halkaa ku soo dhaweeyey koox uu horkacayo Cabdinaasir Axmed Xaaji Aadan Af-qallooc oo ka mid ah dadka aqoonta u leh dhashaqada iyo xannaanaynta shinnida.

Huda Cali oo ka hadashay ololaha badbaadinta shinnida ee gaadhay Ceerigaabo ayaa tidhi: “Runtii aniga oo ka mid ah bahda ololaha badbaadinta shinnida oo safar shaqo ugu soo kicitimay gobolada bari ee Somaliland, ha ugu fogaado Sanaag’e gaar ahaan magaalada Ceerigaabo oo aan waqti xaadirkan ku suganahay. Waxaa naloo soo dhaweeyey si aad iyo aad u heersaraysa. Waxa na qaabilay oo ololaha shinnida qayb ka ah dhiggayaga Ceerigaabo oo uu kow ka yahay Cabdinaasir Axmed Xaaji Aadan Af-qallooc oo ka mid ah dadka leh meelaha lagu dhaqdo ee lagu xannaaneeyo shinnida, oo runtii markii ay arkeen ololuhu sida uu uga soconayo gobolada kale doorkooda ka qaadanaya.”
Waxa ay Huda intaa sii raacisay oo ay tidhi: “Waxa aanu halkan (Ceerigaabo) soo gaadhsiinnay waxyaabibii shacaa’irka ama farriimuhu ku qornaayeen ee ololaha lagu muujinayay oo ay ka mid yihiin sticker-dii ay ku yaaleen hal-ku-dhigyada badbaadinta shinnida.”

Gobolka Sanaag oo ka mid meelaha ay ku nooshahay shinnidu, ayaa Huda Cali waxay sharraxaysaa qaabka ay dadku uga arkaan ololaha, waxaana ay tidhi: “Runtii dadka aanu la kullanay waxay ololaha u arkeen mid lagu badbaadinayo shinnida oo halkan (Sanaag/Ceerigaabo) wax-soo-saar badan u leh, iyadoo malabka deegaankan laga qaado loo iibgeeyo lana gaadhsiiyo gobolada kale ee Somaliland. Waxaana ay ballanqaadeen inay qayb ka yihiin faafinta ololaha iyo sidii dadka loogu wacyigelin lahaa badbaadinta shinnida.”

12188490_1070125863021751_1094882970_n

12202222_1070125849688419_1926573370_n

12203985_1070124419688562_1901874620_o

12204434_1070125826355088_535004924_o

12209408_1070124449688559_1698171506_o

12211052_1070124453021892_875999890_o

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here