Pedro Rodríguez Oo Isniinta Dib Ugu Noqonaya Kooxdiisii Hore Ee Barcelona Ee Uu Dhawaanta Chelsea Kaga Soo Biiray, Maxay Sababtu Tahay?

0
891

Xidiga ay Chelsea dhawaanta la soo wareegtay ee Pedro Rodriguez ayaa isniinta dib ugu laaban doona kooxdii uu waayaha ciyaareed ee cajiibka ah ku soo qaatay ee Barcelona. Chelsea ayaa Pedro kula soo wareegtay 27 milyan oo euro iyo waliba 3 milyan oo dheeraad ah.

Laakiin Pedro ayaa muddo todobaad ka yar dib ugu laabanaya Camp Nou iyo kooxdiisii hore ee Barcelona si uu si rasmi ah u macasalaameeyo Barcelona. Qaabka uu Pedro ugu soo biiray Chelsea ayaa ahayd mid deg deg ah iyada oo Blues saxiixa xidigan ay uga dheeraynaysay kooxda Man United.

Pedro ayaa isniinta shir jaraa’id ku qaab doona Ciudad Deportiva Joan Gamper marka ay saacad Spain tahay 1:00 duhurnimo, wuxuuna ka hadli doonaa waxyaabo badan oo Barcelona iyo waayihiisii ciyaareed ee Blaugrana ku saabsan iyo inuu fursad u helo uu jamaahiirta iyo kooxdiisa uu ku macasaleemeeyo maadaama oo uu Pedro si lama filaan ah oo deg deg ah uu Chelsea ugu soo biiray.Pedro oo Barcelona xili ciyaareedkii hore kula guulaystay saddexda koob ayaa ah ciyaartoyga ugu koobabka badan da’diisa.Pedro

Pedro oo Barcelona kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray sanadkii 2008 kii ayaa kooxdiisii hore u saftay 321 kulan wuxuuna udhaliyay 99 gool oo tartamada ood han. Goolkii ugu danbeeyay ee uu Pedro Barcelona udhaliyay ayaa ahaa goolkii uu guusha ugu horseeday Blaugrana  finalkii UEFA Super cupka, laakiin waayihii ciyaareed ee Pedro ayaa soo gabagaboobay markii ay Chelsea si rasami ah ula soo wareegtay.Pedro

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here