Pep Guardiola oo safkiisa ka tuuraya Yaya Toure kulanka Chelsea

0
439
Manchester City's Yaya Toure, left, shields the ball from Chelsea's Nemanja Matic during their English Premier League soccer match at the Etihad Stadium, Manchester, England, Monday Feb. 3, 2014. (AP Photo/Jon Super)

Tababare Pep Guardiola ayaa lagu wadaa inuu markale safkiisa ka reebo Yaya Toure kulanka sabtida ay la yeelan doonaan hogaamiyayaasha Premier League ee Chelsea.

Toure ayaa si dhib leh ugu soo laabtay safka hore ee Man City kaddib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Guardiola mar uu wakiilkiisa wax ka sheegay macallinka reer Spain.

Muddo kaddib Yaya Toure ayaa si shaacsan raali galin uga bixiyay sheekadii dhex martay wakiilkiisa iyo Guardiola wuxuuna iska dhimay miisaan taa oo fursad u siisay inuu dib boos uga helo safka kooxda ka arrimisa Etihad Stadium.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa lagu soo bilaabay labadii kulan ee ugu dambeysay ee Premier League ay kooxdiiisa min 2-1 uga adkaatay kooxaha Crystal Palace iyo Burnley iyadoo uu dhaliyay labada gool ee looga adkaaday kooxda hore.

Laakiin Yaya ayaa markale laga reebi doonaa safka Man City kulanka sabtida ee Chelsea iyadoo lagu wado in Guardiola uu la soo shir tago Ilkay Gundogan ee la nasiyay labadii kulan ee la soo dhaafay.

waaxa diyeriyey yaasir br