Petr Cech Oo Shaaca Ka Qaaday Hal Arin Oo Ay Isaga Mid Ka Yihiin Arsene Wenger Iyo Jose Mourinho.

0
375

Tababarayaasha Arsenal iyo Manchester United Arsene Wenger iyo Jose Mourinho ma ahan labo nin oo saaxiibo ah, waxaana qilfaafkooda uu gaaray inay saxaafada isku aflagaadeeyaan iyo weliba inay garoonka dhexdiisa kuleetiga isku dhegaan.

Laakiin Petr Cech oo ka soo hoos ciyaaray labada nin ayaa shaaca ka qaaday hal arin oo ay wadagaan labada tababare waana inay necban yihiin guuldarada.

Isagoo ka hadlayay xaflad Guinness World Records ah, Cech ayaa dib u eegay waayihiisa ciyaareed waxaana uu durbadiiba farmuuqday hal arin oo ay isaga mid ka yihiin Wenger iyo Mourinho.

“Waa ay kala duwan yihiin laakiin waxaa jiray hal sheey oo ay wadagaan, waana inaysan jecleyn guuldarada.” ayuu yiri.

“Waana tan sababta u ah guulaha ay gaareen labadoodaba.

“Muddo u dheer sidoo oo kale uma waareysid haddii aadan heelanaan muujinin oo aad  baahi soo bandhigin iyo haddii aadan sameynin wax walba oo aad kaga fogaan karto guuldarro.”