Philippe Coutinho oo isku day dheer kaddib keenay goolkii caanka ahaa ee rugacadaaga Arsenal Dennis Bergkamp..(DAAWO)

0
429

waax qoreya yaasir br

Xiddiga Liverpool Philippe Coutinho ayaa isku dayay isla markaana keenay goolkii caanka ahaa uu dhaliyay rugcadaagii Arsenal ee Dennis Bergkamp.

Bergkamp oo ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa Premier League isla markaana lagu xusuusto goolasha cajiibka ah uu  dhalin jiray ayaa si gaar ah loo xusuustaa gool uu ka dhaliyay naadiga Newcastle United 2002-dii.

Xiddiga reer Holland ayaa kubbada kala wareegay Nikos Dabizas dabadeedna daba mariyay goolhaye Shay Given.

Coutinho ee ka mid ah xiddigaha ugu fiican Premier League ee waqti xaadirkan ayaa la siiyay afar fursadood inuu ku keeno goolka Bergkamp.Laacibka reer Brazil ayaa saddex jeer uu ku guul darreystay kaddib markii afaraad ku guuleystay inuu dib u soo nooleeyo goolkii caaqibada lahaa ee rugcadaaga Arsenal.

https://youtu.be/Qg0FT0gKIYs