Prof Geedoole Oo Is Garab Dhigay Isku Shaandhaynta Siilaanyo Iyo Kuwii Rayaale.

0
346

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Beeraha iyo Waxbarashada Prof: Faarax Cilmi Geedoole, haddana ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ayaa isbarbar dhig ku sameeyey isku shandhayntii Daahir
Rayaale iyo isku shandhaynta Axmed Siillaanyo, waxaanu tilmaamay in inta badan Daahir Rayaale isku shandhayn badan aanu samayn jirin, balse isku shandhaynta Madaxweyne Siillaanyo, ay faraha ka baxday.
Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Beeraha iyo Waxbarashada Prof: Faarax Cilmi Geedoole, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada Madaxtooyada, waxaanu ku taliyey in aan lagu marmarsoon dano siyaasadeed ee wakhtigeeda lagu qabto, waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya
“In Doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo waa muhiim, waxayna muhiim u tahay hirgelinta dimuqraadiyadeena iyo xidhiidhka aynu Caalamka la leenahayna wey hagaagsaysaa, balse haddii ay Doorashadu dib inooga dhacdo mar kale kalsoonidii Beesha Caalamku inoo hayeen way lumaysaa, waxaana meesha ka baxaysa oo lumaysa Dimuqraadiyadii aynu ku faanaynay, Abaaraha ILLAAHAY baynu baryeynaa inuu raxmad, nimco iyo roob khayr qaba inoogu bedelo, duruufta runtii abaaraha ku xidhani waa halkeeda, waana duruuf uu Komishanku ka hadli karo, iyagaana hawshii Doorashooyinka gacanta ku haya, markaas waxaan kula talin lahaa Komishanka inay dadaal io xilkasnimo dheeraad ah sameeyaan, si Doorashadu wakhtigeeda ay ugu qabsoonto,dibna aanay uga dhicin”.
Prof: Faarax Cilmi Geedoole ayaa mar uu ka hadlaayey Guurtida iyo muddo kordhin ay sameeyaan ayaa yidhi “Haddii ay muddo kordhin imanayso, waa in arin lagama maarmaan ah oo Umadda oo dhami dareemi karto ay meesha timaada, laakiin muddo kordhin ku xidhan dan siyaasadeed, kordhin ma noqon karto, marka Golaha Guurtidu waa Odayaal dalka wax badan u soo qabtay, marka waxaan kula talinayaa Guurtida inay iyana ilaaliyaan shuruucda,xeerarka iyo sharciyada dalka, wax walba oo wakhtiga inaga luminaya, ee Doorashooyinkeena dib u dhigayna waxaan leeyahay iska ilaaliya, inooma fiicnee, waxaana lagama maarmaan ah inay Dastuurka ixtiraaman”.
Prof: Faarax Cilmi Geedoole mar uu isbarbar dhig ku sameeyeynayey isku shandhayntii Daahir Rayaale iyo isku Shandhaynta Madaxweyne Siillaanyo ayaa yidhi “Sababta ay isku Shandhaynta Xukuumadda hadba cida taladda haysa ayaa garanaysa, balse waxa dhab ah in Daahir Rayaale aanu isku shandhayn fara badan aanu samayn jirin, balse isku shandhayntan Axmed Siillaanyo faraha ayey ka baxday, nidaamkeena dawladnimana uma fiicna, oo isku shandhayntan joogtada ahi waxay keentay in Wasiiraddii, Wasiir ku xigeenadii iyo Agaasimayaashii inay wadnaha farta ku hayaan, oo waxay is weydiiyaan ma bari mise saadanbe ayaa lagu bedelayaa, waxaana xaqiiqo ah in qof ka baqaya in xilka laga qaado aanu shaqo qaban Karin, oo kama bogon karo barnaamijkii iyo xilkii loo magacaabay, madaama uu baqayo, iyadoo runtiina Madaxweynuhu yahay nin ruug cadayaa oo khibrad dheeraad ah leh, haddana aniga aragatidayda isbedelkaas faraha badani nidaamka dawladnimo uma fiicna”.
Prof:Faarax Cilmi Geedoole mar uu baaq u diraayey Bulshada ayaa yidhi “Had iyo jeer waxaad arkaysa, oo Warbaahinta aad ku arkaysa dad is caayaya, oo isku caayaya Qabiil,waxaanad mararka qaarkooda dareemaysa in tartankan siyaasadeed ee socda in dib loogu noqday wakhtiyada qaar sidii la ahaan jiray, oo dadkii ay qabyaalad u kala jabeen, in la huriyo qabyaalada oo sida xun loo isticmaalana halisteeda ayey leedahay, waxaana haboon inaynu ku tartano Xisbiyo, oo si nadiif ah oo Dimuqraadiyadi ku jirto aynu u tartano, oo qabyaalada faraha ka qaadno, haddii kale oo aynu qabyaalada ku dhaqano halis bay ina galinaysa, haddii ay khatar ina galiso, oo ay faraha ka baxdana Somaliland meel laga soo qabto ma jirayso, marka waxxaan ku talinaya wax aynu ka soo gudubnay, dib yeynaan ugu noqonin”