Puntland oo siideysay Qaar kamid ah Maxabiistii lagu qabatay Dagaalkii SUUJ

0
393

Dowladda Puntland ayaa maanta xabsiga magaalada Garowe ka sii daysay maxaabiis gaaraysa 26 maxbuus oo lagu soo qabtay dagaalkii deegaanada SUUJ iyo Garacad ku dhex-maray Puntland iyo Al-shabaab.
Maxaaabiistan ayaa la sheegay in ay da’doodu gaarayso inta u dhaxeysa 15 ilaa iyo 18 sano ,waxaana mas’uuliyad-dooda la wareegtay xarun caruurta lagu xanaaneeyo oo ku taala magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.
Arrintan oo aan si furan loo faahfaahin ayaa waxaa ay timi, kadib Markii Puntland aqbashay codsi uga yimid Qaramada Midoobay ,kaasi oo lagu dalbanayay in dhalinyaradan la sii daayo