“Qaadka Itoobiya Shuruud Kuma Xidhno, Iyaguna Waa Inaanay Shuruud Ku Xidhin Kalluunkeenna,” Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland

0
712

“Qaadka Itoobiya Shuruud Kuma Xidhno, Iyaguna Waa Inaanay Shuruud Ku Xidhin Kalluunkeenna,” Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland

Hargeysa(Warsugan) Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Somaliland, Cali Jaamac Faarax(Buureed), ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan sidii wax soo saarka Kalluunka ee Somaliland loogu iib-geyn lahaa dalka Itoobiya oo aan lahayn bad, balse ay wali jirto caqabad dawladda Itoobiya ku diidayso in Kalluunku u gudbo. Waxa uu sheegay inay habboon tahay in Somaliland Kalluunka bedel ahaan ugu dhoofiso Itoobiya maaddaama Qaadka Itoobiya shuruud la’aan ku soo galo Somaliland.

Wasiirka oo shalay saxaafaddu wax ka waydiisay sababta Somaliland qaadka Itoobiya wax soosaarka badda u dhaafsan wayday ayaa sheegay inay wali caqabado jiraan “Itoobiya Kalluun waa la geeyaa laakiin, heerkii la rabay lama gaadhin. Waxaynu doonaynay siday qaadka inoogu keenaan inaynu ugu gayno Kalluunka, oo bahalkan(qaadka) ah ee ina waalay aynu wax la mid ah ku bedelanno laakiin, wali soo saariddeena ayaa yar. Waddankeenaba qaybo aanu aad u tagin baa jira laakiin, suuqyadoodu way inoo furan yihiin,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ku xidhayso ganacsiga Somaliland ee dalkeeda u gudbaya ogolaansho sharci, halka aanay Somaliland qaadka waydiin wax sharci ah “Sharciyadoodu way inagu adag yihiin oo LC ayaa lagu xidhaa laakiin, dadkii samaystay way geeyaan. Waxaanu se rabnay in sida qaadku u soo galayo Somaliland ee hadba gaadhi u soo galayo, in qaadkuna u galo Itoobiya oo kolba gaadhi iska galo oo aan wax shuruud ah lagu xidhin, wada hadalkaasina wuu jiraa,” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la fududeeyo galitaanka Itoobiya ee Kalluunka si la mid ah sida Somaliland u fududaysay qaadka soo galaya “Qaadka cidna ogolaansho ma waydiiso, Kalluunkana waa in sidaas laga dhigaa, si qofka 50 Kiilo, 100 Kiilo ama 200 Kiilo oo Kalluun ah la soo baxaa u geeyo meesha uu suuq uga helaayo.hadda dalal Jabuuti iyo Carabuhu ka mid yihiin waa la geeyaa, ujeedkeenuna waa sidii kor loogu qaadi lahaa,” ayuu yidhi.

Dalka Somaliland ayaa lagu isticmaalaa qaadka Itoobiya, balse wali ma hirgalin hammiga bulshada Somaliland ee ah in khayraadka Badda Somaliland ee Milixda iyo Kalluunku ka mid yihiin loo dhoofiyo Itoobiya oo aan lahayn bad, si ganacsiga labada dhinac u noqdo mid laba geesood ah.
Xigasho Wargeyska Warsugan