Qaar Ka Mid Ah Dadkii Ay Dawladii Siyaad Barre Xasuuqday 1988-kii Oo Lafahoodii Maanta Deegaanka Biyo-Shiinaha Dib Loogu Aasay+Sawiro qiiro leh

0
720

Qaar Ka Mid Ah Dadkii Ay Dawladii Siyaad Barre Xasuuqday 1988-kii Oo Lafahoodii Maanta Deegaanka Biyo-Shiinaha Dib Loogu Aasay+Sawiro qiiro leh.

Hargeysa (Warsugannews) – Ku dhawaad 50 qof oo ka mid ahaa dadkii ay dawladii Siyaad Barre gobolada Somaliland ku xasuuqday sanadkii 1988-kii ayaa lafahoodii maanta galinkii hore dib loogu aasay agagaarka tuulada Biyo-Shiinaha ee ku taala duleedka waqooyi ee magaaladda Hargeysa.

11873798_10153083309002469_7170553184650989748_n

11880546_10153083311697469_2177361580575651328_n

Dadkan oo markii la laayey maydkoodii si degdeg ah loogu aasay xabaalo wadareedyo (mass graves) ayaa waxay lafahoodii banaanka u soo baxeen ka dib markii ay shaqaalaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa ay deegaankaasi ka bilaabeen hawl ay dhulka ugu jeexayaan beebka cusub ee biyaha kasoo qaadi doona Geed-deeble ilaa Hargeysa. Qayb ka mid ah maydadkaasi ay lafahoodii soo baxeen ayaa shalay si xurmo iyo maamuus leh oo dhaqanka Islaamka waafaqsan dib loogu aasay isla goobtaasi, taas oo ay soo qaban-qaabiyeen masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha iyo Guddida Xasuuqu.

Aaskii maanta ayaa intii aan maydka lagu tukan waxa halkaasi ka hadlay Maareeyaha Wakaaladda Ibraahim Siyaad Yoonis, Maayarka Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Wasiirada Warshadaha iyo Cadaaladda, Guddoomiyaha Guddida Xasuuqa Khadar Axmed Likeh, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan Siiro), Mujaahid Yuusuf Cabdi Goboobe iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood ku wada dheeraaday dhibaatadda ay shacbiga Somaliland usoo mareen inay dib ula soo noqdaan xornimadooda luntay lixdankii.
11028037_10153083310247469_5272074122272046293_n

11885368_10153083309337469_5002578418211136568_n

11902316_10153083311237469_5022112927975908831_n

Dhinaca kale dad lagu qiyaasay Boqol kun oo qof ayaa ku naf waayey xasuuqyadii ay geysatay dawladdii Somalia ee uu hogaamiyaha ka ahaa diktaytarkii Siyaad Barre oo ka dhacay gobolada Somaliland mudadii u dhaxaysay 1988-1990. Daba-yaaqadii May 1988-kii markii ay ciidamadii SNM ka soo ruqaansadeen fadhiisimihii ay ku lahaayeen xadka u dhaxeeya Ethiopia iyo Somaliland isla markaana soo galeen gudaha dalka gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa ciidamadii dawladii Siyaad Barre waxay bilaabeen inay dilal aargoosi ah oo baahsan kula kacaan dadka rayidka ah, kuwaas oo ay la beegsadeen duqayn cirka iyo dhulka ahba halka qaar kalena iyagoo raxan-raxan isugu xidh xidhan toogasho lagu dilay. Boqolaal kun oo dad ah oo ka qaxay Hargeysa ayaa intii aanay u talaabin dhinaca xadka Ethiopia bilihii June, July iyo August ee 1988-kii kusii hakaday deegaanada waqooyiga ka xiga magaalada sida Biyo-shiinaha, Geedka Gaboobe, Annayo, Maluugta, Iidaan,Gogol-wanaag, Geed-deeble,Horo-haadlay iyo qaar kale.
11903950_10153083309632469_8589033198036716703_n

11924542_10153083310417469_8437039422534236907_n

Xabaalo-wadareedyadan Biyo-shiinaha aya waxa la aaminsanyahay in dadka ku aasani ka midyihiin shicibkii magaalada Hargeysa uga qaxay dhinaca waqooyiga ee ay dawladdii Siyaad Barre kala daba tagtay diyaaradihii dagaalka iyo madaafiicadii tiirada dheereyd oo ay ku duqeysay iyadoo intii dadkaasi ka badbaaday ay aakhirkii ku dambeeyeen xeryo qaxoonti ah oo laga furay dhinaca xadka Ethiopia.

11924292_10153083308657469_2911600691078966684_n

11892204_10153083308272469_1269956749635243486_n

11898565_10153083311942469_3279927357985878105_n
Hargeysa/Office
Warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here