Qabyaaladaynta qoraalka W/Q: C/raxmaan C/laahi Warsame

0
705

Qabyaaladaynta qoraalka
W/Q: C/raxmaan C/laahi Warsame

Tan iyo 2006dii oo ahayd waagii la aasaasay ururkii ugu horreeyay ee iskugu yimaadda qoraal iyo akhris qiimayntii, waa ururkii la odhan jiray akhristayaasha Hargeysa(Hargeysa Readers Club), waxaan si joogto ah uga qayb gali jiray,si weynna ugu xidhnaa munaabsibadaha ku lugta leh wax akhriska, qoraalka iyo bandhigyada buugta.

Waayadaa dhallinyartu waxay si qiiro iyo kalgacal leh uga qayb galin jireen buug kasta oo la soo bandhigayo, waxaana lagu marti qaadi jiray qof kasta oo ehel u ah buugta iyo qoraalka isla markaana wax ku kordhin kara madasha laysugu yimid, taasina waxay horseedi jirtay in madasha laysugu yimid noqoto madal lagu hodmo, wax la kala faa’idaysto, afkaar kala duwanna laysku weydaarsado. Waayadaa iyo indhaweydba marka aad soo gasho xaflad buug ama mid qoraal iyo filkii lagaga hadlayo, waxaad la muusoonaysay dadka kala fikirka duwan, kala qabiilka duwan, kala aqoonta sarreeya isla markaana kala sooyaalka duwan ee meesha isugu yimid, adiga oo markaaba niyaddaadu la muraaqoonaysay filashada wanaagsan ee ah inaad halkaa ka tagi doonto adiga oo wax badan ka korodhsaday, ha ahaato aqoon, dad barasho, afkaar kala duwan iyo waliba is badal ku dhacay sidaad u qiimaynaysay meelo badan oo nolosha ka mid ah.
Haddaba waxay u egtahay barayhan danbe in arrintaasi wakhtigeedii dhammaaday isla markaana gabbalkeedii dhacay.

Dhawaan waxaan ka qayb galay munaasibad bandhig buug oo laygu marti qaaday afar cisho ka hor xilligii loo muddeeyay inay qabsoonto. Buugga magiciisa oo I qanciyay isla markaana aan xiiseeyay iyo aniga oo meesha buug iyo qoraal lagu hayo iska jecel inaan ag joogo, xataa haddii aanan hadal ku lahayn, ayaa igu qaadday inaan xilligii loo ballansanaa xafladda aanan kadib dhicin. Markii aan gaadhay goobtii bandhigga buuggu ka dhacayay, waxay indhahaygu qabteen dad isku wada hayb ah oo munaasibadda lagu soo marti qaaday, walow dadkaasi aanay ehel u ahayn qoraalka iyo buugta, sababta loogu soo marti qaadayna ahayd kaliya inay qoraaga buugga isku beel ka soo jeedaan.

Arrintaasi waxay mar igu keentay la yaab iyo u qaadan waa, mar kalena waxay igu keentay war war iyo walaahow salka ku haya sida markii wax kaloo dhan la soo dhaafay xataa qoraalkii iyo buugtii u noqdeen qaar loo soo cammiro oo laysugu habarwacdo hab beelaysan oo fool xun, iyada oo aan loo yeedhayn dadkii qoraalka la ollogga ahaa ee munaasibadahaasoo kale ku habboonaa. Qof qoraalka iyo buugta u saaxiib ah haddii loogu yeedho bandhig buug , waxa ugu yar ee laga faa’idaa waa isaga oo tilmaama meelaha qoraagu ilduufay iyo meelaha uu asiibay, taasina noqoto mid qoraagu ka faa’idaysto oo haddii uu mar danbe laga yaabo inuu soo saaro isla buuggii( daabacaadda labaad) amma mid kaleba uu ka taxaddaro.

Balse haddii bandhigga buugga ay ka soo qab galaan laguna marti qaado qofka qoraaga ah, suldaankiisa, siyaasigiisa, xildhibaankiisa, odayaashiisa iwm, ma jiri karo wax laga fishaa oo ay ku soo kordhiyaan munaasibaddaa aqooneed ee qaaliga ah, aan ka ahayn inay inankoodaa/inantoodaa ammaan reernimo oo aan loo qiyaasin kula dul kufaan una arkaan wax reerka u soo kordhay, halkii uu buuggu ka ahaa dhaxal aqooneed bulshada u soo siyaaday.

C/raxmaan C/laahi Warsame
Suxufi madax bannaan
Hargeysa, Somaliland
cbdrxmngeni@gmail.com