Qaraarka Ruushka ee Xabad-joojinta Siiriya oo cod loo qaadayo

0
359
President Barack Obama chairs a United Nations Security Council meeting at U.N. Headquarters in New York City, Sept. 24, 2009. (Official White House photo by Pete Souza)This official White House photograph is being made available only for publication by news organizations and/or for personal use printing by the subject(s) of the photograph. The photograph may not be manipulated in any way and may not be used in commercial or political materials, advertisements, emails, products, promotions that in any way suggests approval or endorsement of the President, the First Family, or the White House.

NEW YORK – war sugan Gollaha amniga ee Qaramada Midoobey ayaa maanta gelinka danbe ee sabti a h cod u qaadi doona qaraarka dalka Ruushka ee xabbad-joojinta dalka Siiriya.

Qaraarkan ayaa ku baaqaya in si degdeg ah kaalmo gargaar bini’aadanimo ah la gaarsiiyo dhamaan dalka Siiriya.

Dhanka kale jabhada awooda badan ee dalka Siiriya ee Nusra ayaa cambaareysay xabbad-joojinta dhawaan la gaaray.

Jabhada Nusra ayaa lagu tilmaama in ay xiriir la leedahay ururka Al-qaacida.

Jabhada Nusra ayaa sheegtay in ay sii-wadeyso dagaalka ay kula jirto Xukuumadda Bashar Al-Asad.

Xukuumadda Siiriya ayaa dhankeeda ka hadashay Jabhadan ,waxayna sheegtay ineysan qeyb ka ahayn Xabbad-joojinta.

Xabbad-joojintan la gaaray ayaa waxaa kasoo shaqeeyey dowladaha Ruushka iyo Turkiga,waxaana sidoo kale filayo in Xabbad-joojintan ay ogolaato Qaramada Midoobey.