Qaramada Midoobay Oo ku dhawaaqday In Calanka Falastiin Lagu Daro Calamada Sudhan dhismaha Qaramada Midoobay

0
380

Qaramada Midoobay Oo ku dhawaaqday In Calanka Falastiin Lagu Daro Calamada Sudhan dhismaha Qaramada Midoobay.

(Warsugannews)Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay waxay ugu yeereen codeynta taariikhiga ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo u codeeyay in calankooda uu ka mid noqda calamada ka lusha dibedda dhismaha Qaramada Midoobay.

Safiirka Falastiniyiinta u fadhiya Qaramada Midoobay, Riyad Mansur, ayaa sheegay in codenytani ay astaan u tahay aageerada caalamka uu u hayo dadaalka lagu doonayo in lagu helo dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Balse Israa’iil ayaa arrintan ku tilmaantay mid astaan un ah oo aan waxba soo kordhin doonin,

Safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay, Ron Prosor, ayaa sheegay in Falastiniyiintu ay dowlad ku gaari karaan oo kaliye wadahadallo toos ah oo ay Israa’iil la yeeshaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here