telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

QARAX KHASAARO GEYSTAY OO LAGU WEERARAY MASAAJID KU YAALLA MAGAALADA ADIS ABABA

Addis Ababa (WARSUGANNEWS.COM)_Qarax xoogan ayaa ka dhacay masjid lagu cibaadeysto magaalad Addis Ababa.

Qaraxa ayaa dhacay sida ay wararku sheegayaan xilli  ay dad mulimiin ah ay ku cibaadeysanayeen,Qaraxa  ayaa ahaa mid loo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuuro ah.

Dadka ku sugan magaalada Adis ababa ayaa kusoo waramaaya in Qaraxa uu ahaa mid lagu tuuray masjid magaciisa lagu sheegay Anwar oo ku yaala xaafada Markaato.

Wakaaladaha ayaa qoray in Qaraxaasi uu dhaawac kasoo gaadhay dad tiradooda lagu qiyaasay 25 oo xiliga Qaraxa ka agdhawaa masjidka.

Qaraxa kadib ayaa waxaa Masjidkaasi buux dhaafiyay Ciidamada amaanka oo mamnuucay in masjidka laga baxo islamarkaana la galo, waxa ayna halkaasi ka kaxeysteen dhalinyaro badan oo ay uga shakiyeen ku lug lahaanshaha Qaraxa Bambaano.

Qaraxa ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo lagu weeraro goob lagu cibaadeysto oo ku taala magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

536 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins