Qayb Ka Mid Ah Al-shabaab Oo Daacish La Midawday + Khatarta ka dhalan karta Cududa ay ka helidonaan Daacish iyo Goobta ay degan yihiin oo la shaaciyey inay tahay Buuraha Galgala oo Puntland hore u sheegtay inay ka sifaysay Al-shabaab

0
373

Qayb Ka Mid Ah Al-shabaab Oo Daacish La Midawday + Khatarta ka dhalan karta Cududa ay ka helidonaan Daacish iyo Goobta ay degan yihiin oo la shaaciyey inay tahay Buuraha Galgala oo Puntland hore u sheegtay inay ka sifaysay Al-shabaab

Muqdisho(Warsugannews)Farac ka mid ah Ururka Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay inuu si buuxda u taabacsan yahay kooxda la magac baxday Khilaafada Islaamiga ah ee ka dagaalanta wadamada Suuriya, Ciraaq iyo meelo kale oo dunida ka mid ah.

Kooxda Al-shabaab ka tirsan ee ka dagaalanta buuraha Galgala ee Puntland ayaa sheegaysa inay ku biirtay kooxda Daacish. Waxaa isa soo tarayay baaqyada Ururka Al-shabaab uga imanayay Dawladda Islaamiga ah iyo xataa Boko Xaraamta ka dagaalanta Nigeria, kuwaasi oo Shabaab ugu baaqayay ka mid noqoshada Daacish.

Kooxdan waxaa saldhiggeedu yahay buuraha Galgala ee maamul-goboleedka Puntland ee woqooyi bari Soomaaliya. Kooxdu waxay u muuqataa inay yar tahay hadda waxaana madax u ah sheekh Cabdiqaadir Muumin, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha diineed ee al-Shabaab.

Ururka Al-shabaab ayaa xidhiidh la leh Urur weynaha Al-qaacida, wuxuuna hore uga gaws adaygay baaqyada ku aadan ku biirista Daacis, iyadoo dhawaan dad waraaqo lagu taageerayo Daacish ku daadiyay degaanno shabaab maamusho ay xabsiga ku gureen.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo hore ay u soo baxeen warar la xidhiidha in degaanno Puntland ka mid ah Daacish ka qorato dhalinyaro Soomaali ah, waxaanu dhawaaqa Shabaabta Galgala kala qaybin karaa Ururka Al-shabaab.

Daacish-140627044805_isis_irak_512x288_twitter_nocredit

images

Geesta kalena warbixinta ay dhawaan soo saartay kooxda qaramada midoobay u qaabilsan ilaalinta cunaqabataynta hubka Somalia iyo Eritrea ayaa sheegay In Al-shabaab wali khatar weyn oo dhinaca ammaanka ah ku hayso Somalia iyo geeska Africa.

Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu xusay in hoggaamiyaha Al-shabaab, Sh. Axmed Cumar Abu-Cubeyda oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Diiriye ama Mahad Cumar C/kariin uu yahay hoggaamiye wax badan kaga duwan hoggaamiyihii ka horreeyay ee Axmed Cabdi Godane oo 01-dii September ee 2014-kii lagu dilay weerar ay diyaaradaha Mareykanka fuliyeen.

Sh. Abu Cubeyda waa nin tanaasul iyo wada-shaqeyn ogol, isla markaana aan dadka u cabudhin sida Godane, isla markaana aqbala xubnaha qunyar socodka ah ee kooxda ku jira, taasoo u sahashay in hoggaamintiisa kooxda ay noqoto mid guul ah illaa iyo hadda, sida lagu xusay warbixinta.

Kooxda QM ayaa sidoo kale warbixintooda ku sheegay in Sheekh Abu Cubeyda uu weli sii wado in lala wadaago awoodda kooxda, isagoo hoggaamiyayaasha iyo taliyeyaasha deegaannada ay maamusho kooxda u ogoolaaday inay si madax-bannaan u shaqeeyaan, xitaa marka ay timaado arrimaha dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here